Ciidanka Yahuuddu oo ka insixaabay xaafadda Saalaxudiin ee magaalada Qaza iyagoo illimeynaya oo murugaysan.
Sida uu nashriyey joornaalka Ra’ayul Youm ciidanka saahaayinada ayaa saacadihii lasoo dhaafay isaga qalab qaatay gudaha xaafadda Saalaxudiin waliba iyagoo dhabarka uu u saaranyahay jab iyo hoog, kana qoomameynaya lasoo galistii ay lugaha lasoo galeen gudaha marinka horaantii howgalka duufaanta Al-Aqsa.
Sida jariirada ay kasoo xiganeyso wariyey ka howlgala janaalka 14 ee yuhuuda, waxay ciidanka gumeystaha daqiiqadihii ugu dambeeyey ee hayaamitaankooda ay dareemayeen murugo, waliba iyagoo aan xaqiijin ahdaaftoodii duulaanka.
Sahaayinada ayaa tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiiska xabad joojineed waxay wajahayaan fadeexo calami oo dhan walba ah, kadib markii muddo 15 bilood ah kadib ay soo furan waayeen maxaabiistooda laguna qasbay in iyagoo madaxa foorarinaya ay ka baxaan gudaha marinka Qaza.
FAAFREEB PRO