Dab xoogan ayaa ayaa ka kacay keyma ku yaalla degmada Wondo ee galbeedka Arsi ee gobolka Oromia ee Dalka Itoobiya waana sida ay warisay warbaahinta dalkaas.
saraakiil ka tirsan gobolka ayaa xaqiijiyay in dabka oo billowday maghribadii malintii Sabtiga uu burbur xooggan u geystay deegaano buuraley ah oo muhiim ah isagoona usii faafaya si xawli ah.
Mid ka mid ah meelaha sida weyn u saameyeeyay ayaa lagu magacaabo Gotu Aloma kebele oo ay ku jirto buurta Abaro.
Sawirro ay baraha bulshada soo dhigtay waaxda isgaarsiinta dawladda itoobiya ayaa muujinaya dabka oo baabi’inaya qaybo badan oo ka mid ah keynmaha deganadaas.
Dadaallo lagu daminayo dabka ayaay masuuliyiinta goboladaas sheegayaan iyagoo cabsi weyn ka qaba inuu ku faafo magaalooyin ka tirsan gobolkaas.
Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa dadweynaha ugu baaqay inay ka fogaadaan melaha usoo gaari karo dabkaas iyagoona dadka gobolkaas ka codsaday inay gacan ka geystaan daminta dabka.
SIda ay qoreen jaraaidada ku hadla afka oromada, weli lama oga waxa kiciyay ama sababay dabkan baaxada leh ee bur buriyay qeyba badan oo ka mid ah keymaha qeyba ka mid ah gobolka oromada isagoo hada laga cabsi qabo inuu ku faafo magaalooyin.
FAAFREEB PRO