Dab Xoogan oo ka kacay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta

Feb 22, 2025

Wararka ka imaanaya magaalada Nayroobi ee caasimada dalka Kenya ayaa ku waramaya in dabkii ugu xooganaa uu saacadihii lasoo dhaafay uu ka kacay garoonka diyaaradaha ugu weyn dalkaasi ee ku yaalla magaaladaasi.

Dabka ayaa qabsaday qeybo kamid ah garoonka, isaga oo ku fiday wadooyinka waaweyn ee soo gala , mudo saacado ah ayaana lala tacaalayay damintiisa.

Sida ay tabinayso waraahinta gudaha ee Kenya dabka ayaa baab’iyay guryo dhowr ah oo ay sidookale ku jiraan xafiisyada qaar kamid ah maamulayaasha garoonka, isaga oo ku sigtay in uu gaaro halka ay ka haadaan diyaaradaha, sidookalane ay garoonka yaallen xiligaasi diyaarado badan.