Xili hey’adaha dabdamiska ee Mareykanka ay sii xoojinayaan dadaalada ay kula tacaalayaan dabka baaxada weyn ee sida degdeg ah ugu fidaya Los Angeles, ayaa waxaa sii kordhaya halista ka dhalatay dabkaas.
Mas’uuliyiin ka tirsan kooxaha dabdamiska ayaa waxay soo jeedinayaan digniino ku aadan dabeylo xooggan oo la saadaalinayo inay gobolka ku dhufato doonto 24-ta saacadood ee soo socda, iyaga oo dadka ka dalbanayaa in ay isaga baxaan deegaanada la saadaalinayo in ay dabeylahaas saameeyaan. dabeylahan ma aha oo kaliya in sabab u noqonayaan sii faafitaanka dabka hadda ka holcaya Los Angeles, laakiin sidoo kale waxay sababi karaan in uu koco dab hor leh oo aan la xakamayn karin.
Dabka ka holcaya Los Angeles ayaa noqonaya kii labaad ee ugu burburka badnaa ee soo mara taariikhda koonfurta gobolka California, sida ay sheegtay hey’ada lagu magacaabo Kaal Faayar.
Isku darka dabkan iyo dabka Hurst, waxay baabi’iyeen dhul ballaaran oo gaaraya ilaa 60 mayl oo laba jibbaaran— kaas oo ah dhul baaxad ahaan ka weyn magaalada Paris.
Baaxadda burburka iyo xaaladaha aan xasilloonayn waxay noqdeen caqabado aan horay loo arag oo hortaagan kooxaha dabdamiska, iyagoo dadaallo ugu jira sidii ay u xakameyn lahaayeen dabkan oo ay u ilaalin lahaayeen bulshada ka ag dhow aaga uu dabka ka socdo.
FAAFREEB PRO