Dad Rayid ah oo ku dhintay duqeymo Ay dowlada Itoobiya ka geysatay gobolka Amxaara.

Oct 23, 2024

Ugu yaraan 13 qof oo shacab ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar cusub oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Dowlada Itoobiya.

Weerarkan ayaa ka dhacay degmada Enarje Enawga, ee magaalada Felege Berhan ee gobolka amxaarada, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka itoobiya.

Meesha weerarku uu ka dhacay ayaa waxa lasoo warinayaa inay aheeyd School lagu magacaabo Guba Mariam.

Duqeeyntan ayaa imaanaysa iyadoo 24tii saac ee lasoo dhaafay ay dagaalo ba’an oo u dhaxeeyay dowlada itoobiya iyo kooxda hubeysan ee Fano ay ka socdeen Bariga gojjam ee gobolka amxaarada iyadoo kooxda Fano ay sheegatay inay ku dishay dagaaladaas in ka badan 70 askari oo ka tirsan dowlada itoobiya.

Dadka u dooda xuquuqda qomiyada amxaarada ee dalka itoobiya ayaa iyaguna ku tilmaamay duqeymahan sii kordhaya ee dowlada itoobiya ka wado gobolka amxaarad mid “isir sifeyn” ah. Iyadoo wrbaahinta ku hadasha afka amxaarada ay sheegtay in ugu yaraan 180 qof oo shacab ah ay isbuucyadii lasoo dhaafay ku dhinteen weerarada diyaaradaha an duuliyaha lahen ee dowlada itoobiya ka geeysanayaan gobolka amxaarada.

Duqeymahan ayay dowlada itoobiya ku tilmaamtay howlgal ay ku ciribtireyso kooxda-amxaarada hubeeysan ee Fano oo ka soo horjeeda dowlada itoobiya.