Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka mucaaradka ay bililiqo ku billaabeen biraha ku xiran wadada tareennada ugu weyn dalka Itoobiya taasi oo halbowlle u ah nolosha malaayiin ruux.
Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay sawirro muujinayo dad xabashi ah oo furfuranaya wadada tareennada ee ka timaad dalka Jabuuti.
Maleeshiyaad katirsan mucaaradka Oromada ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin bililiqada,boqolaal askari oo oo dowladad Abiy Axmed ay ka dirtay Addis Ababa si ay udifaacaan wadada ayaa lakulmay weeraro dhabbagal ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka bililiqada geysanaya aysan aheyn mucaaradka oo kaliya balse dad shacab Itoobiyaan ah ay fuqsanayaan biraha wadada tareennada sababa laxiriira shaqa la’aanta ay ka dhaxleen dagaallada sokeeye ee wadanka ka holcaya waxkabadan 4 sanadood xiriir ah.
Kooxda Faano oo arrinka ka hadashay ayaa mas’uuliyadda bililiqada dusha uga tuurtay nidaamka Abiy Axmed oo ay ku tilmaamtay mid fashilmay.
FAAFREEB PRO