Dagaallo Ay Hurinayaan Maamullada Galmudug iyo Puntland oo Kasocda Mudug.

Jan 16, 2025

Ku dhawaad 15 ruux ayaa ku geeriyooday tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacantay dagaal-beeleed shalay mar kale dib uga qarxay deggaanno dhaca galbeedka gobolka Mudug ee badhtamaha dalka Soomaaliya kaas oo ay hurinacayaan maamullada gaala raacyada ah ee fadhigeedu yahay Gaalkacyo.

Dad goob-joogayaal ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalku uu bilawday subaxii hore ee shalay, wax ku dhow lix saac-na uu ka socday inta u dhaxeysa deggaannada Jiicboor iyo Saax-qudhun ee galbeedka Mudug.

Daryanka hubka noocyadiisa kala duwan ee ay is-dhaafsanayeen labada dhinac ayay sidoo kale sheegeen in ay maqlayeen. Iyadoo sida ay wararku tibaaxayaan dhaawacyadii dagaalkaasi loo kala qaaday magaallooyinka Goldogob iyo Gaalkacayo.

Dagaalkan geystay khasaaraha badan ee soo kala gaaray labadan beelood ee walaalaha ah, ayaan jirin haba yaraatee cid u gurmatay oo kala dhex-gashay, isagoo dagaalku iskii u qaboobay ku dhawaad salaaddii duhur ee shalay.

Beellahan walaalaha ah ee wada dega deggaannada dhaca galbeedka Mudug ayay colaaddoodu soo jiitamaysay muddo ka badan sannad, waxaanay xogaha qaarkood tibaaxayaan in hurinta dagaalladaasi ay qayb ka yihiin maamullada riddada ah ee Puntland iyo Galmudug.

Sida laga war-qabo deggaannada hoos-taga maamullada ashahaado-la-dirirka ah ee ka jira Soomaaliya waxaa ka socda dirir iyo dagaallo aan dhammaad lahayn oo ka dhex aloosan beellaha walaalaha ah. Waxaana la ogaaday in colaadahaasi ay daaha gadaashii ka hurinayaan Kuffaarta Caalamka oo kaashanaysa qawsaarradooda Soomaaliya.