Dagaallo khasaaro Badan Dhaliyay oo Dib Uga Qarxay Deegaanno Katirsan Ismaamulka Amxaarada Itoobiya.

Nov 18, 2024

Dagaalo culus oo u dhaxeeya kooxaha hubeysan ee aAmxaarada iyo kuwa ciidanka saliibiga itoobiya ayaa saacidihii lasoo dhaafay ka socday Degaanada Metema and Armachiho hoostaga Gobolka Amxaarada.

Sida Laga soo wariyay warbaahinta Ku hadasha afka Amxaarada ayaa sidoo kale sheegaya in Dagaaladii sacadihii ugu dambeeyay Dhacay ay sidoo kale ka dhaceen hareeraha magaalada Ankober oo in ka yar 100 – KM u jirta magaalada madaxda dalka itoobiya ee Addisa ababa, Iyadoo kooxada Fano ay sheegatay inay qarka u saarantahay ina la wareegto magaaladaas oo mar ahayd magaala madaxdi Boqorkii xabashida ee Minilik.

Wali wax war ah kama uusan soo bixin dowlada Saliibiga ah ee itoobiya oo kusaabsan dagaaladan sacadihii lasoo dhafay ka socday degaana ka tirsan gobolka Amxaarada. Walina lama oga qasaaraha ka dhashay daagaladan.