Dagaallo Laga Cabsi Qabo Inay Dib Uga Qarxaan Gobolka Tigrey ee Dalka Itoobiya.

Jan 26, 2025

Waxaa soo baxaya walaacyo hor leh oo muujinaya cabsi laga qabo dagaallo mar kale dib uga qarxa gobolka Tigrey oo muddo 2 sano iyo dheeraad ah laga joogo markii ay ka dhaceen dagaallo lagu hoobtay oo lagu tilmaamay kuwii ugu dhimashada badnaa qarnigan.

Bilihii u dambeeyey waxaa soo if-baxayay si weyn-na usoo xoogaysanayay kala-qaybsanaan u dhexeysa Getaajoow Reeda oo ah hoggaamiyaha maamul cusub oo ku-meel-gaar ah oo hoos-taga dawladda Xabashida oo laga dhisay gobolka Tigrey iyo iyo Debresiyoon Gabra-miikaa’iil oo ah hogaamiyaha xisbiga ay Tigrey-gu kusoo caano-maaleen ee TPLF.

Getaajoow ayaa la sheegayaa inuu wajahayo eedaymo ay ka mid yihiin “khiyaano-qaran” iyo dhaleecayn ku saabsan dib u dhaca ku yimid dhaqan-gelinta heshiiska nabadda iyo soo celinta malaayiin qof oo ku barakacay dagaalladii ka dhacay gobolkaasi.

Ciidanka Difaaca Tigray oo magacooda loo soo gaabsho (TDF) ayay wararku tibaaxayaan in horey ay dhexdhexaad uga ahaayeen muranka ka dhex aloosan Getaajoow iyo Debresiyoon, balse haatan ay la safteen hoggaanka xisbiga TPLF.

Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in maamulka ku-meel-gaarka ah lagu eedeeyey inuu dhinac iska dhigay danaha qaranka ee dadka Tigrey-ga, kuna kacay khiyaano-qaran, sida lagu sheegay warqad Talaadadii lasoo dhaafay kasoo baxday hoggaanka sare ee ciidamada qalabka sida ee Tigrey.

Khabiir diiday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in ku dhawaad 200 oo taliye ay taageereen warqaddaasi. Kuwaas oo sidoo kale taageeray mooshin uu xisbiga TPLF soo jeediyey sanadkii hore oo la rabay in xilka looga xayuubiyo Getaajoow, balse ay hor-istaagtay dawladda Saliibiyada Xabashida ee Abiy Axmed.

War uu soo saaray Getaajoow, hoggaanka maamulka ku-meel-gaarka ee gobolka Tigrey ayaa ka hadlay warqadda cusub ee hoggaanka ciidanku soo saaray, waxaanu sheegay in ay tahay mid loogu tala galay in si cad loogu dhawaaqo afgambi iyo in lagu carqaladeeyo heshiiska.

Jedhal Taraanfal, oo ah cilmi-baare ka tirsan jaamacad ku taal dalka Norway, ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira kooxda TPLF iyo waxqabad la’aanta dowladda federaalka ee uu hoggaamiya Abi Axmed ay sii hurinayaan xiisadda.

Khubaro dhanka ammaanka ah oo magacyadooda la qariyey ayaa saxaafadda u sheegay in xaaladda kasoo cusboonaatay gobolka Tigrey ay tahay mid aad looga walaaco, isla markaana dadku ay haatan bilaabeen inay lacagaha kala baxaan bangiyada.

Isku soo wada duuboo xaaladdan cakiran ee kasoo cusboonaatay gobolka Tigrey ayaa ifafaalaheeda aad looga dayrinayay waxaanay kusoo aadaysaa xilli ay sii muuqdaan riiqda iyo raadadka dagaallo socday muddo labo sanno ah oo ay ku dhinteen dad gaaraya 600,000 (Lix Boqol oo Kun) oo qof.