Danmark iyo Canada oo Ogolaaday Wadahadallo ay Lagalaan Donald Trump.

Jan 12, 2025

Sida uu daabacay joornaalka The Leparisien ee kasoo baxa dalka Faransiiska, Danmark ayaa sheegtay iney diyaar u tahay inay jasiiradda Greenland u beddesho saldhig cusub oo milatari oo uu Maraykanku leeyahay.

Dowladda Danmark ayaana lagu waramayaa iney si gaar ah ula xiriirtay kooxda Trump si ay ugala hadlaan xoojinta amniga ama kordhinta joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Greenland, waana sida jariirado dhowr ah ay kasoo xiganayaan shabakada Ameerikaanka ah ee Axios.

Arinkan ay ku dhaqaaqday Danmark ayaa lagu tilmaamay mid qamcin ah oo ay ku dooneyso iney kaga hortagto damaca Trump ee ah inuu xayuubsado jaziirada Greeland islamarkaana u uku darsado dhulkiisa, hadiisa mar Mareykanku uu ogolaado saldhigan laga dhigayo jaziiradan waxaa suuragal loo arkaa inuu hakan doono hanqal taaga Donald Trump.

Dhanka kale waxaa la qorsheynayaa wadahadalo hor leh oo dhax mara Canada iyo Mareykanka, maadaama Trump uu dhowr jeer oo hore sheegay in waqtigan uu yahay kan ugu munaasabsan ee ay la wareegi lahaayeen dhulka Canada, taasoo buuq xoogan dhalisay markale, waxaana laga war sugayaa waxa ay noqon doonaa natiijooyinka qadiyadaha Canada iyo Danmark.

FAAFREEB PRO