Ciidamada aad u qalabaysan oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa barqanimadii maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka “Miir-taqwo” ee hoostagta degmada Mahadaay ee wilaayada Sh/Dhexe, kadib markii ay halkaasi isaga carareen maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya.
Sidookale Ciidamada Mujaahidiinta ayaa goordhow dagaal kula wareegay deegaanka Boos-caamir ee dhacda duleedka Al Kowthar ee Shabeellada Dhexe, waxaana jira khasaaro gaaray cadowga.
Dhanka kale, waxaanu helnay magacyada qaar ka mid ah saraakiishii murtadiinta ee lagu dilay sidoo kalena lagu dhaawacay weeraradii cagmarinada ahaa ee ka dhacay Sh/dhexe, halkaas oo murtadiinta looga dilay 93 isugu jirta askar iyo saraakiil halka laga dhaawacay 111 kale.
Saraakiisha Riddada ee dagaalladaasi lagu dilay waxaa ka mid ahaa Gacma-dheere oo ahaa Taliye Urur, Cirro oo isagana ahaa Abaanduulle Urur iyo Cabdiraxmaan Dheere oo isagana ahaa taliye Horin, saraakiisha sidoo kale ku dhaawacmay weeraradaasi waxaa ka mid ah, Xasan Dhicisow oo ah Taliyaha Booliska Hirshabeelle, Jeylaani oo ah Abaanduule Urur iyo Axmed Dheere oo ah Taliye Urur.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar qarax ah ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiyaanka ee ilaaliya garoonka magaalada Baydhaba, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay laba askari oo mid Itoobiyaan yahay, halka midka kalana uu yahay askari ka tirsan maleeshiyaadka Riddada.