DEG DEG: 19 Murtad oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Aadan-Yabaal.

Mar 3, 2025

DEG DEG: Ciidamada Mujaahidiinta ayaa saaka dagaal kula wareegay deegaanka “Boos-hareeri” ee hoos tagta degmada Aadan-Yabaal, waxaana jira khasaaro gaaray maleeshiyaatkii ridada ee halkaasi lagu weeraray.

Dagaalkii saaka ka dhacay deegaanka “Boos-hareeri” ee hoos tagta degmada Aadan-Yabaal, waxaa lagu dilay 19 askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay 9 kale, waxaa sidoo kale Mujaahidiinta ay soo qaniimeysteen 13 qori oo murtadiinta laga soo furtay.