Dekadda Muqdisho oo ay Maalmahan u Xirantahay Kooxda Ridada Soomaaliya

Sep 23, 2024

Dekadda magaalada Muqdisho ayaa maalintii Labaad oo xiriir ah waxay u xiran tahay kooxda Riddada Soomaaliya, halkaas oo uu kusoo xirtay markab sida shixnado hub ah oo ka yimid dowladda Riddada ah ee Masar.

Kooxda Riddada ah ayaa xiratay jidka kasoo baxa dekadda magaalada Muqdisho Number afar illaaa dhismaha wazaaradda gaashaandhigga, waxaana gaadiidka iyo sidoo kale dadka lugtooda maalaya loo diiday isticmaalka aaggaasi.

Maamulka dekadda Muqdisho ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku war geliyay in muddo saddex maalmood ah ay xirnaan doonto dekadda, adeegyadii rayidkana ay hakad yihiin.

Markabkan kusoo xirtay dekadda Muqdisho, ayaa lasoo wariyay in uu sido shixnado hub ah oo dowladda Riddada ah ee Masar ugu talagashay dagaalka ka dhanka ah islaamka iyo ehelkiisa, waxayna wararka qaar ee soo baxaya sheegayaan in qaar ka mid ah hubkaasi loo wado ciidamada Masar ee qaabka ashahaada la dirirnimo loo keenayo Soomaaliya.

Markabka soo xirtay ayaa lagu magacaabaa TSC, kaasi oo ay leedahay dowladda Riddada ah ee Masar, waxayna markabkaan ku daabushaa shixnadaha xamuulka ah.

Muuqaallo kala duwan oo lagu faafiyay baraha bulshadu ku wada xiriirto ayaa muujinayay markabka kusoo xirtay dekadda iyo sidoo kale gaadiid nooca kuwa xamuulka ah oo hub culus ka daabulaya dekadda wayn ee Muqdisho, waxay arintan kusoo beegmaysaa xilli uu sii xoogeystay xiisadda Masar iyo Itoobiya.

Dhanka kale ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay halka laba xubnood oo kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen kaddib markii uu kusoo dumay dhisme bakhaar ah oo ay leeyihiin maleeshiyaadka murtadiinta.

Dhacdada ayaa si gaar ah uga dhacday kasoo horjeedka dekadda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana laga soo calaamadiyay bakhaar ay saadka ku kaydsadaan maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya.

Halka qof ayaa dhintay labada kalena waxay dhaawacmeen kadib markii uu kusoo dumay gidaarka ama darbiga bakhaarka saadka ciidan uu ugu kaydsan yahay maleeshiyada murtadiinta, dhismaha Riddada ka dumay ayaa la sheegay in uu ahaa mid qadiimi ah, in muddo ahna aan helin wax dib u dayactir ah.

FAAFREEB PRO