Majalada Izvestia ee kasoo baxda dalka Ruushka, waxay daabacday in dowladda Sucuudi Carabiya ay sanadkan ka qeyb galeyso shir-madaxeedka ururka BRICS, waliba iyadoo aanan qeyb ka eheyn ururka.
Sida saxiifadu ay sheegeyso dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan ayaa lagu casuumay shirkan oo ka dhici doona magaalada Kazan ee dhulka Ruushka inta u dhaxaysay 22 iyo 24-ka Bishan aynu ku jirno ee Oktoobar.
Ujeedada ugu weyn ee ninkan loogu casuumay shirka iyadoo aysan dowladiisu qeyb ka eheyn BRICS ayaa lagu sheegay, in la doonayo in wax badan uu ka ogaado hanaanka iyo wada shaqeynta ka dhxeysa dowladaha qeybta ka ah ururukan, maadaama Sucuudigu uu doonayo mudooyinkaan dambe kusoo biiritiisa BRICS balse ay caqabado badan ku hor gudbaniyihiin.
Mid kamid ah caqabadahaas hor taagan Sucuudiga ayey saxiifada ku sheegtay, iney tahay culeysyo siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka jira gudaha Boqortooyada, taasina ay mugdi galineyso hanaankooda kusoo biirista BRICS.
Cadaadiska siyaasadeed ee ugu badan ayaana hada Sucuudigu waxa uu uga imaanayaa dhanka reer galbeedka, maadaama BRICS uu yahya mid ay dhidibada u taageen Ruushka iyo xulafadiisa gaarka ah ee aanan marnaba la dhacsaneyn siyaasada reer yurub, waana sababta ay u diidanyihiin in boqortooyada ay qeyb ka noqoto urur nuucaas ah oo aysan isla jaan qaadin dhan walba.
Ugu dambeyntii waxay majaladu sheegeysaa in shirkan ka dhici doona gudaha Ruushka uu sanadkan noqon doono mid ka duwan kuwii hore, lagana filanayo natiijooyin cusub, waxaana madasha aanan ka marnaan doonin dhamaan dowladaha ku bohoobay oo ay ugu horeeyaan Ruushka, Shiinaha , Brazil iyo Hindiya.
FAAFREEB PRO