“Dhicitaankii Al-Asad iyo khasaarihii Lubnaan ayaa Iraan ka dhigay mid careysan waqti xaadirkaan” waxaa sidaas lagu bilaabay warbixin uu daabacay wareyska cibriga ah ee Macaariif, taasoo diirada lagu saarayo saameynta dhaqaale ee uu xukuumada Tehran ku yeeshay dhabar jabka ku yimid ururka isugu yeera Xisbullah iyo nidaamkii Bashaar Al-Asad.
Xogta joornaalka oo ugu horeyntii ku hormareysa saameynta Iran ay ku lahayd gudaha Suuriya xilligii reer Asad ayaa tibaaxeysa iney ahayd mid sareysa oo aan la qiyaasi karin heerkeeda, waxayna Tehran nidaamkii Bashaar Al-Asad ku bixisay lacag lagu qiyaasay ilaa 50 Bilyan oo dollar tan iyo 2000.
Lacagahaas oo idil ayaa ugu dambeyn noqday kuwa khasaaray waliba Iran iyadoo aanan gaarin qaar badan oo kamid ah hadafyadii ay ka lahayd Suuriya, maadaama talada dalka ay la wareegeen kooxo mucaarad ah iyadoona kursiga laga tuuray Bashaar Al-Asad.
Sidaas si lamid ah waxaa sanadkii 2024 jab xoogan la kulmay ururka isugu yeera Xisbullah oo ah awood ay ku faani jirtay Iran, waxaana jabka Tehran ay kala kulantay Suuriya iyo Lubnaan marka la isku soo xooriyo dhanka kale lagu waramayaa iney dowladda Iran hadda wajaheyso xaalado dhaqaale xumi oo liita.
Magaalooyinka qaar ayey ka jirtaa xaalado koronto la’aan iyo biyo la’aan ah, waxaana ziyaaday 23 ilaa inta u dhexeysa 35 ziyaaday heerka shaqa la’aanta dalka, taasoo ay ka caroodeen shacabka Iiraan maadaama dowladooda ay lacago malaayiin dollar ah ku bixineyso meelo aysan natiijo ka heyn halka rayidka xaaladuusu ay tahay sida tan.
FAAFREEB PRO