Khasaare xoogan ayaa ka Dhashay Dhulgo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha wadanka Uganda.
Dhulgo`an ayaa si gaar ah looga soo calaamadeeyay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, waxaana ku dhintay dad kor udhaafaya 10 ruux.
Ugu yaraan 18 qof oo ay ku jiraan caruur yar yar ayaa burburka hoostiisa laga soo saaray meydadkooda, waxaana suuragal ah in tiradu intaasi kasii badato xilliyada inna soo aaddan.
Dhulg`an ayaa waxaa sababay roob xooggan oo ka da`ay dalkaasi, kuwaasoo marka laga soo tago khasaaraha nafeed geystay mid hantiyeed, ayna ku bururiyeen guryo la deganaa.
Tani waxay kusoo beegantay xilli dhawaan sidaan oo kale ay waqooyiga dalka Itoobiya ka dhaceen dhulka ay ku dhinteen in kabadan 200 ruux.
FAAFREEB PRO