Dib u Eegis Lagu Sameeynayo 3-dii Talaabo ee ugu Horeysay ee uu Trump Qaaday Kadib Guushiisa.

Nov 13, 2024

Majaladda Foreign Policy ayaa daabacday warbixin ay dib u eegis ugu sameyneyso 3-dii tallaabo ee ugu horreysay ee uu qaaday Donald Trump kadib markii dib loogu doortay xilka madaxtinimo ee Mareykanka, kuwaasoo la xiriira siyaasadiisa arrimaha dibadda.

Hadaba warbixintu waxay leedahay Sadaxdaan talaabo ma kuwa muujnaya inuu Trump doonayo soo gaba gabeynta dagaalka Bariga dhexe iyo Ukrain, mise waa mid maamulka isugu yeera Israel u fidin doona garab istaag ka balaaran midkii Biden, halkiisana kasii wadi doona taageerada Kiyev.

Talaabada ugu horeysa ayuu wargeysku ku sheegay magacaabidii Trump ee Elise Stefanik iney noqoto safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, haweeneydan ayaa ku caan ah Islaam naceybka iyo iney garab istaag buuxa meel walba ay ula taagantahay maamulka yuhuuda, talaabadan ayeyna warbixintu ku tilmaantay calaamad cad oo muujineysa in maamulka soo socda uu noqon doono mid si weyn u taageera kayaanka sahaayinada.

Talaabada Labaad ee uu qaaday Trump ayaa lagu sheegay in uu doonayo in dagaalka Qaza uu ku joojiyo kaliya shuruudaha ay wataan yuhuuda, waxay warbxiintu Suhyeb leedahay ilaa 3 mar ayey qadka taleefanka kuwada hadleen Trump iyo Natanyaahu wixii ka dambeeyey 5 November, taasoo muujineysa janjeeritaan xoogan oo ka socda dhanka siyaasada arimaha dibada ee ninkan loo doortay xilka madaxtinimo ee Mareykanka.

Talaabada u dambeysa ee Sadaxaad ee uu qaaday Trump ayaa iyadana lagu sheegay iney tahay, inuu la xiriiray hogaamiyaha Ruushka Vldamir Putin uuna kala hadlay xiisada Ukrain, walow dhanka kale midaas ay sicda u beenisay Moscow, ayna sheegtay inuusan jirin wax wada hadal ah oo dhaxmaray Putin iyo Trump.

Talaabooyinkan hora dhaca ah ee uu durbadiiba qaaday Trump ka hor inta uusan imaan xafiiskiisa, ayaa boqolkiiba 70 muujinaya wajiga dhabta ah ee ninkan doonayo inuu ku qaabilo colaadaha ka holcaya caalamka, waxayna hada warbxintan si cad ay u muujineysaa sida uu noqon doono xiriika dhabta ah ee Natanyaahu iyo Trumo 4 sano ee soo aadan.

FAAFREEB PRO