Wararka ka imaanaya xadka udhaxeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ayaa ku waramaya in halkaasi ay ka dhaceen Dagaallo culus oo udhaxeeya maleeshiyaat kawada tirsan maamulka ridada Hiirshabeelle.
Dagaalka ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay deegaanka Nuur-Dheere, waxayna wararku sheegayaan in wali ay is horfadhiyaan maleeshiyada dagaallantay.
Maleeshiyaatkaan ayaa ka wada tirsan maamulka murtad Cali Guudllawe balse waxa ay kala taabacsanyihiin maamullada ridada ugu magacaaban gobollada Hiiraan iyo Shabeellada-Dhexe.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dhinacyada dagaallamay ay iska dileen ilaa afar askari iyada ay iska dhaawaceen ilaa shan kale.
Maleeshiyaatka dhaawacmay ayaa wararku sheegayaa in loo soo kla qaaay magaalooyinka Jowhar, Mahadaay iyo Jalalaqsi.
Dagaalladaan ayaa lasoo warinayaa in ay salka ku haayaan dhul beereed, taas oo keentay in ay dagaal toos ah dhaxmaraan lamadaan maleshiyo ee katirsan maamulka ridada Hiirshabeelle.
Maleeshiyaatka murtadiinta ayaa dhaqan iyo caado uleh in ay markasta ay dhaxdooda dagaallamaan iyaga oo sidookale badanaa udagaallama qaab qabiil.
FAAFREEB