Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad nooca kuwa ciidanka ah ay ku dhacday inta u dhaxayso Carbiska iyo Afgooye ee dhaca duleedka Muqdisho.
Warar horudhac ah oo la helayo waxay sheegeen in diyaaradda dhacday ay tahay nooca qumaatiga u kaca oo ay leeyihiin ciidamada kuffaarta Afrikaanta, ma cadda sababta rasmiga ah ee keentay dhicitaanka diyaaradda.
Dhacdada shilka ah ayaa si gaar ah looga soo tabiyay beer kutaal inta u dhaxayso Carbiska iyo Afgooye, halkaas oo ah goobta ay diyaaraddu ku dhacday, dhicitaanka kaddib ayaa lasoo wariyay in goobta ay soo gaareen ciidamo lug ah oo ka tirsan kuffaarta Afrikaanta, kuwaas oo goobta ka qaaday askar dhowr ah oo dhaawacyo qaba oo aan tiradooda rasmiga ah la sheegin.
Ciidamada diyaaraddu la dhacday ayaa lasoo sheegay inay ka tirsan yihiin ciidanka kuffaarta Burundi ee qaybta ah isbahaysiga saliibiga ah ee ATMIS.