Wargeyska Politico ee kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa daabacay warbixin ku saabsan hadal saacadihii lasoo dhafaay kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Mareykanka hadana ah musharaxa Jamhuuriyiinta Donald Trump, kasoo ku wajahan shaqsiga la tartamaya hada ee Kamala Harris.
Sida ay tibaaxeyso xogta majaldan qaar kamid ah warbaahinada ugu waaweyn dalka Mareykanka ayaa markale Trump ka codsaday in Harris uu la yeesho dood labaad ka hor inta aanan la gaarin waqtiga rasmiga ah ee doorashada oo ku aadan 5 Novembar ee sanadkan 2024.
Intaasi kadib waxa uu ninkan mid kamid ah barihiisa ugu caansan ee Bulshada uu kusoo qoray oraah u dhigneyd “ma jiri doono kulan ku celis ah” isagoona dhanka kale soo baahiyey qoraalo kale oo ay warbaahintu ku tilmaantay in si toos ah uu ugu weeraryo haweeneyda ka socota dhanka dimuquraadiyiinta ee Kamala Harris.
Waxaa uu Trump sheegay in Harris kaliya ay mari doonto wadadii uu maray Biden, iyadoona siyaasado qaldan oo aanan horay loo arag ka hirgalin doonta gudaha Mareykanka hadii ay xillka ku guuleysato ayuu yiri musharaxa xisbiga jamhuuriyiinta.
Diidmadan Donald Trump uu ka sameeyey in markale uu Kamala Harris la yeesho dood dhinacyo badan taabaneysa ayaa dabcan waxay kusoo beegantay xilli bishii hore September 10-keedii ay dhinacyadu yeesheen dood kululeyd oo taabaneysa qeybo kala duwan, waxaana xilligaas la aamisanyahay iney doodaas ku adkaatay haweeneyda u ka socota dhanka dimuquraadiyiinta hadana ah madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.
Balse Trump ayaa midaas kasoo horjeystay isagoona sheegay in libinta uu isagu leeyahay doodaasna uu isagu yahay qofka sameeyey soo bandhig wanaagsan, balse waxaa midaas gaashaanka u daruuray inta badan bulshada Mareykanka, waxaana sidaas dooda ugu cod badatay Kamala Harris.
Ugu dambeyntii waxay warbixinta Politico iyo wargeysyo kale oo caan ah ay sheegayaan in Mareykanku uu hada wajahayo xalaadao aanan horay looga baran markii laga hadlayo dhanka doorashada, maadaama aanan la aqoon dad kaliya warbaahinta iska soo weerara iskana daacaayadeeda, ee la garan jiray shaqsiyaad xilli walba isa soo hor fariista oo sameeya dodo kala duwan sidaasina ay bulshadu u raaci jirtay qofka ay dantooda ka dhax arkaan, waa sida hadlka loo dhigee.
25 Maalomood kadib ayaa hada lasugayaa qabsoomida doorashadan soo jiitameysay mudada fog, waxaana hada uu mugdi badan ku jira cida guuleysan doonta, walow markii uu sharaxnaa Biden ay saadaashu u badneyd dhanka Trump, balse hada wax badan ayaa is badal oo xaalka ayaa cagsi noqday waana lawada sugi doonaa wixii soo baxa.
FAAFREEB PRO