Sida uu daabacay mid kamid ah joornaalada kasoo baxa gudaha dalka Ingiriiska madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump marka uu yimaado xafiiska 20 bisha Koowaad ee sanadka 2025 ayaa laga yaabaa inuu aqoonsi buuxa siiyo maamulka isugu yeera Soomaaliland.
Wargeyska Independent oo soo xiganaya Gavin Williamson oo mar soo noqday xoghaya wasiirka difaaca Ingiriiska ayaa sheegay, in Trump ay ka suurtowdo qaadista talaabadan waliba sida ugu dhaqsiyaha badan.
Williamson waxa uu sheegay in wadahadalo dhowr ah oo ku saabsan aqoonsiga rasmiga ah ee Somaliland uu la yeeshay kooxda Trump, iyagoona u kala kulmay talaabooyin soo dhaweynaya suuragalnimada in midaas uu qaado madaxweynaha Mareykanka loo doortay Afarta sano ee soo aadan.
Waxa markale ninkan carabka ku adkeeyey uuna sheegay in si aad ah uu ugu kalsoon yahay in Trump uu arrintan qaadi doono marka uu xafiiska la wareego bisha Janaayo ee soo aadan.
Hadii talaabadan ay dhacdo ayaa la saadaalinayaa inuu xoogeysan doono khilaafka u dhexeeya maamulka Soomaaliland iyo xukuumada ridada ah ee fadhigeedu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Waxaana dhanka kale suuragal ah in midan ay caqabad ku keeni doonto cilaaqaadka u dhxeeya kooxda ridada iyo Mareykanka.