Qaar badan oo kamid ah majaladaha dunida ugu waaweyn ayaa maanta warbixin ka daabacay isku day di loo la sheegay in Donald Trump marklae lala damacbsanaa xilli uu ku sugnaa meel ka baxsan xafiisyadiisa shaqo.
Hadii aan soo qaadano majalada The Telegraph oo kale iyo warbixinta ay ka diyaarisay qodobkan, waxay sheegtay in madaxweynihii hore ee Mareykanka hadana ah musharaxa xisbiga jamhuuriga, uu markale qarka u fuulay in lala eegto toogasho lasoo qorsheeyey in lagu qaarijiyo, waa sida ay hadalka u dhigtee.
Waxay warbixintu intaasi ku dartay in Trump xilligaas uuu ku sugnaa goob lagu cayaarayey kubada Golf-ka oo ku taal gobolka Florida, goob halkaas ka ag dhawna ay ka dhacday is rasaaseyn xoogan oo la sheegay in la doonayey in nafta lagu dhaafiyo 78 jirkan Ameerikaanka ah, waliba qaab siyaasadeysan waa sida ay jamhuuriyiintu aaminsanyihiine.
Kadib falkaas kooxdiisa ololaha doorashada ayaa la hadlay warfidiyeenka, iyagoona u sheegay inuu badqabo Trump oo aysan jirin wax dhaawac ah oo haba yaraatee ay u geesatay rasaasta goobta ka dheceysay, waxaana durbadiiba kaamirooyinka kasoo muuqday Donald Trump oo ku dhawaaqay cod sare isagoona lahaa “Ma jiraan wax i celina doona, waligeyna isma dhiibi doono”.
Waxaa durbadiiba baaritaano ku aadan kiisakan ku dhaqaaqay hay’ada FBI-da Mareykanka, waxaana saacado yar un kadib warbaahinta soo galay warar sheegay in is rasaaseynta goobta ka dhacday aysan ahayn mid lala damacsanaa Trump, balse ay goobta isku dagaaleen laba ruux oo kale.
Wixii baaritaanku uu socdaba FBI-da Mareykanka ayaa gacanta kusoo dhigtay nin magaciisa lagu sheegay Ryan Wesley Routh oo 58 jir Ameerikaan ah, kaasoo lagu soo eedeeyey inuu yahay ruuxa ka dambeeya falkan la sheegay in lagu khaarijin rabay musharaxa jamuhuuriyiinta, hay’ada ayaana sheegtay in ninkan boorasiida laga helay qalab kala duwan oo ku marag furaya inuu yahay ruuxa ka dambeeya dhacdadan.
Ninkan loo xiray weerarkan ayaa la sheegay inuu goobta uga tagay qori AK-47 ah, boorsad iyo kaamiro nuuceedu uu yahay Go-Pro, oo loo badinayo sida ay warbixinadu tibaaxayaan inuu doonayey inuu ku duubo xilliga uu dilka geysanayso.
Baaritaankan kadib waxaa durbadiiba Meesha baxay wararkii sheegayey inuusan weerarkan ahayn mid lala damacsanaa Trump, taageerayaal badan ayaa baraha kala duwan ee Internet-ka garab istaag ugu muujiyey Trump.
Markale laga soo tago aragtida ah in Trump lala dabacsanaa toogasho lamid ah midii uu la kulmay bishii July ee sanadkan uuna yahay ruux xilli walba qatar qarka u saran, waxaa jira ra’yi midkaas ka duwan oo sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa, kasoo ah in Donald Trump uu isagu yahay ruux waxan ka dambeeya si uu ehelo taageero xad dhaaf ah, dadkuna ay u moodaan ruux halista usoo bareeray.
Dad badan oo isugu jira masuuliyiin iyo shacab ku kala nool daafaha caalamka ayeyna u cunami weysay dhab ahaanshiyaha falalkan is xig xiga ee uu la kulmay Trump, waasa la arki doonaa wixii xoga ah ee kasoo kordha.
FAAFREEB PRO