Donald Trump oo Weerarkii ugu Xooganaa oo Afka ah ku Qaaday Dhigiisa Ukrain.

Feb 22, 2025

Trump ayaa weerar afka ah midkii ugu xooganaa ku qaaday madaxa Ukrain iyo Ruushka oo la sheegay inuu la amakaaga hadalada qalafsan ee uu Trump u adeegsanayo dhigiisa Ukrain.

Sida uu baahiyey wargeyska Ameerikaanka ah ee The Hill, madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump ayaa saacadihii lasoo dhaafay dhaleeceeyey Volodymyr Zelensky, isagoona ku tilaamay mid kaliya doonaya inuu dhaqaale burbur ku rido Mareykanka, maadaama $ 350 bilyan oo Dollar ay xukuumada Washington ku bixisay dagaalka Sadax sano jirsaday ee u dhexeeya Kyev iyo Mosocw.

“Majaajiliistaha Ukrain Volodymyr Zelensky waxa uu isticmaalay lacag $ 350 bilyan oo Dollar ah si uu u galo dagaal anaan marnaba lagu guuleysan doonin, hana oogaana dagaalkan lama xalin karo Mareykanka iyo Trump la’aantiis” waxaa sidaas warbaahinta ka hor sheegay madaxa aqalka cad.

Marka laga soo tago weerarka afka ah ee uu Turmp ku qaaday Zelensky, dhanka kale xukuumada Moscow ayaa la sheegay iney la amakaatay hadaladan qalafsan ee uu Trump u adeegsanayo madaxa Ukrain, sida kaligii taliye’ ‘majaajileyste’ iyo hadallo kale oo badan.

Si kastaba ha ahaateen dowladda Ukrain ayaa si aad ah uga careysan sidan degdega ah ee uu Mareykanku doonayo inuu kusoo afmeero dagaalka khasaaraha xoogan lagu gaarsiiyey Kyev, xilli durbadiiba magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudiga ay ka bilowdeen wada xaajoodyada uu Mareykanka garwadeenka ka yahay.

FAAFREEB PRO