Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ku hanti beelay shil ka dhacay biyaha dalka Cumaan, halkaas oo sida lasoo wariyay ku gubatay dooni lagu magacaabo BLUE STAR.
Doonidan oo u rarnayd ganacsatada Soomaaliyeed ayaa lasoo wariyay in habeenkii xalay ay ku gubatay xeebaha dalka Cumaan oo ay socdaal ku maraysay.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa warbaahinta maxalliga ah u u sheegay in doonida gubatay ay badeecooyin kala duwan usoo sidday dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wararka qaarkood waxay sheegayaan in doonida gubatay ay markii hore kasoo shiraacatay dekedda magaalada Abuu Dubai ee caasimadda u ah waddanka Imaaraadka carabta, halkaasoo lagu sheegay in ay kasoo qaadday badeecadaha kala duwan.
Si rasmi ah looma shaacin sababta ka dambeysay gubashada doonidan, lamana helin xog faahfaahsan oo intaas ka baxsan, sidoo kale lama soo warin xaddiga hantida ku baaba’day doonida ku gubatay xeebaha dalka Cumaan, waana mid ka mida dhacdooyinka shilalka ah ee ay la kulmaan ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Imaaraadka carabta kasoo rarta doomaha.
Bishii Agoosto 2022-kii ayay ahayd markii dooni lagu magacaabo Al-caalam oo sidday hanti gaaraysa (1600-Tons) oo qiimaha ahaana ka badnayd (4 Million) oo dollar ay ku gubatay xeebaha Cuman, xilli ay kusoo jeeday Soomaaliya.