Iyadoo qeyb ka ah loolanka loogu jiro boobka khayraadka Soomaaliya iyo lawareegitaanka wadada istiraatijiga ah oo dhaco, ayeey dowlada shiinaha waxa ay sheegtay in xeebaha Soomaaliya usoo dirayso mid kamid ah maraakiibteeda dagaalka.
Warbaahinta xukumada Biijiin ayaa ku warantay in sababta markabkaan dagaal loogu soo dirayo Soomaaliya ay tahay in uu ka qeyb qaato ka hortaga waxa loogu yeero Burcad badeedka.
Taliyaha maraakiibta ciidanka Shiinaha, Admiral Du Jingsheng, ayaa tilmaamay in ay ciidamadiisa ay u diyaar garoobeen howlgalk dheer oo ay ka fulinayaan Soomaaliya, kaas oo qeyb kaga noqonayaan ciidamada shisheeye ee dullaanka ku jooga xebaha wadanka iyagoo huwan halkudhiga la dagaalanka burcad badeedka.
Marka laga soo tago marmarsiyada uu shiinuhu sheegay in ay ciidamo ugu soo dirayo xeebaha Soomaaliya , waxaa dhanka kale ku hoos duugan ujeedo qarsoon oo lagu doonayo in lagu gurto kallunka ceegaaga badeena.
Bishii December ee sanadkii 2008-dii ayey ahayd markii sidaan oo kale Shiinaha uu ciidamo iyo maraakiib dagaal usoo diray Soomaaliya isagoo xiligaasi qeyb ka ah isbihaysi ay hogaaminayaan dowladaha Reer-Galbeedka oo lagula wareegayay xeebaha dalka.