Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday in ay dhammeystirtay Dhismaha Biyaha xireenka Al- Nahda.

Nov 7, 2024

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Xabashida Itoobiya ayaa lagusoo sheegay in gebi ahaan lasoo afjaray dhismihii tobanaanka sano qaatay ee biya xireenka alnahda.

Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha wadankaas ayaa sheegay in ladhimaystiray dhismaha biya xireenka ugu weyn qaaradda Afrika kaasi oo soo saari doono koronto awood leh sida uu uhadalka udhigay.

Wariyaal booqday biya xireenka ayaa soo muujiyay biyaha dhismaha biya xireenka oo dhammeystiran islamarkaana ay dabaal deg muujinayaan shaqaalaha ajaanibta ubadan ee ka howlgelayay 14-kii sano ee uu dhismhu socday.

R/wasaaraha Xabashida ayaa carrabaabay in biya xireenka ay ka hareer dhiseen laba haro oo waaweyn kuwaas oo lagu kedinayo biyaha lagasoo leexiyay webiga Niil, harooyinkan mid kamida waxay qaaddaa biyo dhan 74 bilyan oo mitir kiyuubig ah.

Biyaha xireenka alnahda ee Itoobiya ay dhammaystirtay ayaa ku fadhiyo masaaxo ka badan 200 oo kiilowmitir waxaana laga dhalin doonaa koronto gaaraysa lix kun oo Megawaat.

Dowladaha Masar iyo Suudaan ayuu biya xireenkan halis ku yahay, xukuumadda alqaahira ayaa bishii lasoo dhaafay sheegtay in biya xireenka ay Itoobiya ka dhistay halka uu kasoo burqado webiga Niil uu halis weyn ku yahay malaayiin qof Masaari ah kuwaas oo noloshoodu ay ku xirantahay biyaha webiga Niil.

Dhinaca kale hay’adda amnesty International ayaa sheegtay in ciidamada Federaaliga xabashida ay xasuuq daran iyo gabood fallo ka wadaan waqooyiga Itoobiya.

Warbixin cusub oo kasoo baxday hay’adda ayaa lagu caddeeyay in ciidanka melleteriga iyo kuwa ismaamulka Amhara ay afar mucaskar oo dadka lagu xiro ka fureen gobolka ayna halkaas ku tacdiibinayaan kumanaan ruux oo dhammaantood kasoo jeeda qowmiyadda amxaarada.

Hay’adaha sheegta in ay udoodaan xuquuql insaanka ayaa ku eedeeyay nidaamka Abiy Axmed in xasuuq uu ka geysanayo deegaannada lagu loollamayo, ku dhowaad hal sano oo xiriir ah waa ismaamulka Amxaarada saaran xaalad bandow ah waxaana go’aan isgaarsiinta taleefannada iyo internet-ka.

Hoggaamiyaal katirsan jabhadda Faano ayaa horay ugu eedeeyay Abiy Axmed in uu geysanayo xasuuq aan loo meel dayin oo ka dhan ah dadka Amxaarada isagoo adeegsanaya diyaaradaha Drones-ka.