11 katirsan maleeshiyaadka kooxda ridada islamarkaana hubeysan ayaa lasoo warinayaa iney isku dhiibeen, ciidanka Kenya ee ku sugan deegaanka Haluuqa oo ku yaalla gobalka Gaarisa oo kamid ah dhulalka Muslimiinta ee ay xooga ku heysato Kenya.
Milatariga Kenya ayaa shaaca ka qaaday, in askarta isku soo dhiibey ay ka qaadeen, rasaasta badan oo ay wateen maleeshiyaadka isi soo dhiibay ayey Kenyatigu sheegeen in ay wateen rasaas tiradeedo gaareyso 1,000 (Kun Xabo oo Rasaas ah).
Dadka deegaanka ku sugan ayaa waxay warbaahinta u sheegeen, in askartaan ay ku wajahnaayeen deegaanka Garabey oo una dhaw xad-beenaadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.
Masuuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegeen, in mid kamid ah isisoo dhiibayaasha uu ahaa nin Kenyan ah oo aan uhbeysneen, sababta ay isku soo dhiibeenna ay ku sheegeen iyagoo culeyso kala kulmay dagaallada ka socda Soomaaliya.
Maleeshiyaadkan horta leh isku dhiibaya dowlada Kenaya ayaa kusoo aadeysa iyadoo maleeshiyaad fara badan oo katirsan kooxda ridada ay horay dabayaaqadii sanadkii tagay isugu dhiibeen Kenya, kadib markii ay ka firxadeen dagaallo ay la galeen maamulka ridada Jubbaland oo ka dhacay deegaanka Raas Kaambooni.