Dowladda dabdhilifka Masar ayaa markale ayaa ka hadashay khilaafka xooggan ee kala dhaxeeya Itoobiya kaasi oo salka ku haya arrimaha biya xireenka weyn ee laga dhisayo webiga Niil.
Badar Cabdul Caadi oo Cabdul Caadi oo ah wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa kalimad uu jeediyay goodis adag ugu diray dowladda Xabashida Itoobiya isagoo sheegay in ay tallaab adag qaadi doonaan haddii halis lageliyo ammaanka biyaha ee shacabka Masar.
“Haddii waxyeello soo gaarto amniga qaranka masar ee dhanka biyaha, waxaan qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan ula tacaalno biyo-xireenka Itoobiya, waxaana wacnaa dhaqdhaqaaqyo arrinkaas ku aaddan, laakiin ma aha lagama maarmaan in laga dhawaajiyo”ayuu yiri Badar Cabdul Caadi.
Dowladda Masar waxay diiday in ay biyaha xireenka Itoobiya ugu yeerto Al Nahda taas bedelkeedna waxay ugu yeertay biya xireenka Itoobiya ayaa arrinkaas oo muujinaya heerka ay gaarsiisantahay xiisadda khilaafka.
Tahdiidka ka yimid xukuumadda dabadhilifka Masar ayaa umuuqda in uu jawaab uyahay hadallo kulul oo maalmihii lasoo dhaafay ay madaxda Itoobiya warbaahinta ka jeedinayeen iyagoo dhismaha biya xireenka Alnahda ku sifeynayay guul weyn oo Itoobiya gaartay islamarkaana noqonaya midka ugu weyn qaaradda Afrika.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa dhankeeda xukuumadda Al Qaahira ku eedaysay in ay colaad ka hurinayso geeska Afrika islamarkaan ay hubaynayso jabhadaha mucaaradka ah ee Addis Ababa ku kacsan.
Biyaha webiga Niil ayaa ah isha koowaad ee ay ku tiirsantahay nolosha boqolka Malyan ee dalka Masar waxayna biyahan yihiin kuwa ay masaaridu cabaan waxna ku beertaan.
SOMALIMEMO (https://somali-memo.info/articles/20222/Dowladda-Masar-oo-ku-goodisay-in-ay-tallaab-adag-ka-qaadi-doonto-biya-xireenka-ay-Itoobiya-ka-dhistay-webiga-Niil)