Duulaanka Dhulka Lubnaan ee Yuhuuda oo Lagu Wado Inuu Bilowdo Saacado Dhow.

Oct 1, 2024

Duulaanka dhulka ee ay Yuhuudu ku qaadayso Lubnaan ayaa laga faliyaa in saacadaha soo socda uu bilowdo, iyadoo Yuhuudu ay wargelisay dowladda Saliibiyada Mareykanka inay ciidankeeda gudaha u galayaan dhulka Lubnaan.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay Warbaahinta ujeeddada duulaankan inay tahay inay Yuhuudu gudaha dhulka Lubnaan gaar ahaan gobolka koonfurta ay ka sameysato aag difaac, si buu yiri ay ugu suragasho inay dib guryahooda ugu soo celiso in ka badan hal milyan oo dad Yuhuud ah oo ka qaxay gobolka waqooyi ee ay dhulka ay Yuhuudu xooga ku heystaan ee xadka la leh Lubnaan.

Sida laga arkay hadalka sarkaalka Mareykanka, waxay Yuhuudu qabsan doonta Lubnaan si ay halkaa u noqoto goob ay ka ilaaliso dhulka ay xooga ku heysato ee waqooyiga oo ay ku darsan karto dhul ka tirsan Lubnaan.

FAAFREEB PRO