Ecominist: Muranka Halista badan ee Dekadaha ku Saleysan ee kajira Mandiqadda Geeska Afrika.

Oct 9, 2024

Majallada Economist ee kasoo baxda dalka Ingiriiska, ayaa daabacday warbixin ku saabsan muranka la xiriira dekadaha ee kajira mandiqadda Geeska Afrika, kaasoo sii xoogeystay wixii ka dambeeyay markii horaantii sanadkan dowladda Itoobiya ay is-afgarad la xiriira Badda Cas la saxiixatay maamulka labaxay goboleedka la magac baxay Soomaaliland ee ka jira wuqooyi galbeed Soomaaliya.

Sida warbixinta majalladu tilmaameyso, mandiqadda Geeska Afrika ee ay kamid yihiin dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Ereteria iyo Itoobiya, ayaa lagu tiriyaa deegaannada ugu xasradaha badan dunida mudooyinkan dambe.

Waxay marti gelisay sida warbixintu tilmaameyso, dagaallo lagu riiqmay oo weli socda qaarkood, sida dagaalkii dhexmaray Itoobiya iyo Ereteria, kuwa sokeeye ee weli hada ka socda gudaha Itoobiya, iyo dagaalka Jihaad ah ee geyga ka soconaya mudada sanadaha badan ah, kaasoo bilowday wixii ka dambeeyay burburkii Dowladdii shuuciyaa ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

Sida ay leedahay The Economist, Mandiqadda waxay xilligan marti gelineysaa kala jiidasho ay wadaan awoodo dibadda ah, oo doonaya in mid weliba ay gacanta ku dhigto ilaha dhaqaale iyo marin biyoodyada muhiimka ah ee Geeskan Afrika.

Mar warbixintu ay taxliilineysa arinkan ayeyna sheegtay in xaalada gobolka geeska ay hada tahay mid ka halis badan sidii ay ahayd waayadii hore, ayna awooduhu kusii dhawaanayaan marba marka ka dambeysa sidii ay gorrada isku galin lahaayeen.

Xukuumadda Adis Ababa oo isku dayeysa iney ka faa’ideysto dekadda Berbera, ayaa tallaabada ay qaaday waxay keentay isku soo dhawaansho iyo is xulufeysi dhexmaray dowladda Ereteria iyo kooxda ridada ah ee fadhigeedu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, iyadoo awoodo gobolka ahna ay dhinacayda la kala safteen, kuwaasoo laga xusi karo Masar, Turkiga iyo Imaaraatka Carabta.

Iyadoo weli aaney muuqanin tallaabooyin xal u ah khilaafka dhinacyada oo marba marka kasii dambeeya sii xoogeysanayay, ayay majallada Economist tilmaameysaa in tani ay sii hurineyso colaadda mandiqadda, ayna fursad kale oo ay kusii xoogeystaan siineyso Xarakada Al-Shabaab, oo hadaba qoob gariir dhan walba ah ku beertay xukuumada sheegata iney ka taliso wadanka, waana sida ay leedahay warbixintan uu daabacay wargeyskan kasoo baxa dalka Ingiriiska.

Khilaafka kooxda Xasan Sheekh iyo Itoobiya u dhexeeya ayaa soo billowday bishii January ee sanadkan, kadib markii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi kala saxiixdeen is-afgarad dhigaya in Itoobiya 20 kiilmoter laga siiyo Badda Cas, halka iyaduna noqoneyso dalkii ugu horeeyay ee aqoonsada in maamulka Soomaaliland ka go’o Soomaaliya intiisa kale.

Bishii September mar uu murtad Xasan Sheekh Maxmuud la hadlay majallada Economist, waxa uu u sheegay in dhamaan dalalka gobolka ay hada ka walaacsanyihiin habdhaqanka ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo doonistiisa qasabka ah ee uu doonayo inuu ku helo qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

Dowladda ridada ah ee Turkiga oo kamid ah dowladaha duulaanka qaawan kusoo qaaday kheyraatka wadankan Soomaaliya, ayaa dhankeeda waxay sheegtay iney dhex-dhexaadineyso khilaafka ka dhax taagan xukuumadaha Addis Ababa iyo Muqdisho, kulamo dhowr jeer ka dhacay Ankara ayaana fashil kusoo dhamaaday, waxaana la baajiyey kuwa kalo oo la doonayey in la qabto bishii lasoo dhaafay ee September.

Tallaabooyinka uu qaaday Xasan Sheekh Maxmuud waayadii u dambeysya, ayay majalladu ku tilmaameysaa kuwa dhalin kara isku dhac soo deg-dega oo dhexmara labada dhinac, waxaana kamid ah go’aanka ay sheegtay xukuumada ridada ee ah iney dalka ay sida ugu dhakhsiyaha badan ugasaareyso ciidamada Itoobiya, aysana kamid noqon doonin howgalka ashahaada la dirirnimo ee la qorsheynayo in wadankan markale lagu soo qaado sanada 2025.

Tallaabada kale ee xiisadda sii kordhin karta sida majallada Economist ay tilmaameyso, waa heshiiska iskaashiga difaaca ee dhexmaray kooxda ridada Soomaaliya iyo nidaamka daba dhilifka ah ee Masar.

Sida ay sheegayaan diblumaasiyiin dhowr ah oo la hadlay majalladan, iskaashiga difaaca ee Masar iyo kooxda Xasan Sheekh, ayaa ka dhigan tallaabo sii adkeyn karta xaaladda, maadaama Itoobiya iyo Masar aaney isku wanaagsaneyn, xiisada la xiriirta biyo xireenka An-Nahdana ay dhulka la gashey cilaaqaadkoodii Labada dhinac.

Taxliilka The Economist ay ku sameysay xiisada gobolka ayey ugu dambeyn waxa ay ku sheegeysaa, iney suuragal tahay in dhawaan uu hirgalo isbaheysi xaga difaaca ah oo saddex geesood ah, kaasoo ay yeeshaan kooxda ridada, dowladaha Masar iyo Eretria.