Eritrea oo Gacanta Ku Dhigtay Maraakib Hub Uwaday Itoobiya.

Feb 11, 2025

Dawladda Eratariya ayaa bishii November 2024, ku dhawaaqday in ay gacanta ku dhigtay saddex Markab oo dhul-badeedkeeda ku galay fasax la’aan. Kuwaasoo sida la sheegay ka yimid, isla markaana sitay calanka dalka Azarbiijaan.

Ilo-wareedyo Itoobiyaan ah oo ay soo xigatay warbaahinta Borkena ayaa sheegay in maraakiibtaasi ay sideen shixnado hub ah oo ay ka mid ahaayeen qoryo iyo walxaha qarxa, gaar ahaan kuwa oo loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Warbaahinta Anchor Media ee ka soo baxda dalka Itoobiya, fadhigeeduna yahay dalka Maraykanka ayaa ku warantay in goobta loogu talo-galay maraakiibtaasi ay ahayd xeebaha dalka Jabuuti. Balse ilaa hadda ma cadda in maraakiibtu ay si toos ah uga yimaadeen Azerbiijan ama meel kale.

Saddexdan markab oo ay la socdeen 18 shaqaale ah oo dhammaantood kasoo jeeda Azarbiijaan ayaa la xiray kadib markii ay galeen biyaha Eretariya sababo la xiriira cimilada oo xumaatay, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Azarbiijaan oo magaciisa la dhaho Ayxan Hajizada.

Maraakiibtan oo magacyadooda lagu kala sheegay CMS Pahlavan (CMS Bahlaafan), CMS Igid (CMS igad), iyo CMS-3, oo ay maamusho laanta Azarbiijaan ee Shirkadda Caspian Marine Services B.V. ayaa la sheegay inay ku sii jeedeen dalka Imaaraadka Carabta iyagoo sii maray marinka Suweys.

Milkiilaha maraakiibta oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey in maraakiibtu ay galeen Eritriya kadib markii ay la kulmeen Badda oo kacsan, isla markaana Kabtannada maraakiibtu ay wax fal-celin ah ay ka waayeen xiriirro ay la sameeyeen hey’adaha amniga iyo ilaalada xeebaha ee Eratariya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Eratariya ayaa lagu sheegay in ciidamada Badda ee dalkaasi ay qabteen maraakiibtaasi, kadib markii ay kusoo gudbeen sifo sharci-darro ah. Waxaanay intaa raacisay in ay ku socdaan baaritaanno.