Faano oo Isku Gedaantay mid Kamid ah Magaalooyinka Waweyn ee Gacanta ugu Jira Askarta Abey.

Sep 9, 2024

Waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada Fano ay isku gadaameen mid kamid ah magaalooyinka istaraatiijiga ah ee ay heytsaan ciidanka Abey Axmed.

Maleeshiyaatka ayaa sheegay in go’adoomin daran ay saareen magaalada Woldia oo qiyaastii 520 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Askarta Fano ee halkan go’adoonka saaray ayaa la sheegay iney ka yimaadeen dhanka magaalooyinka Awura Godana, Tikur Wuha iyo Doro Gibir ee dalka Itoobiya.

Tsehayu Negash oo ah isku duwaha iyo dagaal galiyaha ciidamada Fano ayaa sheegay in ilaa hada ay si buuxdo ugu suganyihiin halkaas, ayna saareen cuna qabateen askarti Abey Axmed ee halkaas ku sugneyd.

Dhanka kale waxaa Wollo ku sugan laba ciidan oo faano ah oo hoos taga Kornaylada kala ah Fentahun Muhaba iyo Mihret Wodajo, howlgallada lagu go’doominayo Woldia ayaana la sheegay in ay yihiin kuwa wadajir ah ayna sii socon doonaan mudooyinka soo aadan, waana sida lagu xusay warbixin ay daabacday mid kamid ah saxiifadaha kasoo baxa gudaha dalka Itoobiya.

Xiisada colaadeed ee dalka Itoobiya ayaa marba marka kasii dambeysa waxa ay ka sii xuub siibaneysaa xeyndaabka heshiis gaarida, xilli dhanka kale ay xukuumada Addis Ababa wajaheyso xiisada militari oo kala dhexeeya dowladda Masar oo la sheegey iney qeyb ka noqoneyso howgalka ashahaada la dirirnimo ee ay gaaladu qorsheynayaan iney dalkan muslimka ah kusoo qaadaan sanada 2025.

Kusoo Biir Bareheena gaarka ah oo la soco wararkeena 👇

https://t.me/FAFKA62

https://t.me/Fafka6