Waxaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha dalka Itoobiya ka dhacay dagaallo qaraar oo dhaxmaray ciidanka Abey Axmed iyo maleeshiyaatka Fano.
Wararka ayaa sheegaya in Fano ay weeraro xoogan ku asqeysay xarumo ciidan oo ay leeyihiin askarta Itoobiya, iyagoona soo furtay maxaabiis tiro badan.
Dagaaladan ayaa dabadankood ka dhacay inta badan deegaanada uu ka koobanyahay gobolka Amxaarada.
Dad ku dhaqan deegaanada qaar ayaa sheegay in Fano ay iyada markii hore soo qaaday weerarka, iyadoona furatay qaar kamid ah maxaabiistooda oo gacanta ugu jiray dowlada xabashida Itoobiya.
Ilaa hada sida ay xoguhu sheegayaan Fano ayaa soo furatay ilaa 7,000 oo maxbuus oo nool, walow aysan dhanka kale cadeyn in qaar ay wali ku harsanyihiin xabsiyada ku yaala xatumaha ciidan ee ay weerarada ku ekeeyeen.
Isku soo wada duuboo waxaa sii lixaadsanaya marba marka kasii dambeysa dagaalka adag ee u dhexeeya labadan dhinac, halka dhanka kale ay dowlada xabashida Itoobiya ay la liic liiceyso dhaqaale xumi baahsan wadanka intii u harsaneydna ay gacanta u galisay hay’ado reer galbeed ah.