Falaagada M23 oo la Wareegtay Magaalada Labaadee ugu Weyn Bariga Congo.

Feb 19, 2025

Joornaalka The Globel and Mail ayaa daabacay warbixin uu ku sheegayo falaagada ay taageerto Rwanda oo la wareegay magaalada Labaad ee ugu weyn bariga dalka Congo geystayna dilal bareer ah iyo boob fara badan.

Sida lagu waramayo boqolaal qof oo argagaxsan ayaa ka cararay magaalada labaad ee ugu weyn bariga dalka Congo ee Bukavu, kaddib marki ay malleeshiyada M23 xoog kula wareegeen halkaas.

Waddooyinka ka baxa magaalada Bukavu ayaa ciriiri noqday, kaddib marki qaar badan oo ka mid ah shacabka magaalada oo lagu qiyaasay 1.3 milyan ay soo food saartay cabsi ah in ay dhibaato kala kulmaan fallaagada M23, oo horay loo ogaa wixii ay soo geysteen.

Ciidamada ayaa gubay bakhaarradi keydka hubka, taas oo la sheegay in ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah rayidka, waxay sidoo kale M23 dileen dhalinyaro qaadatay qoryihiin ay ka carareen ciidanka jamhuuriyada dimuquraadiga ah ee Congo si ay iksu difaacaan.

Xiisada wadankan ayaa sii karaar qaadaneysa daqiiqad walba, waxayna M23 ciidankeedu sheegeen iney ku hiran doonaan caasimada Kinshasa si ay u ridaan nidaamka wadankaas ee uu hogaamiyo Félix Tshisekedi.

FAAFREEB PRO