Fano Oo Shaacisay In Laga Dilay Sarkaal Sare Oo Kasoo Dagaallamay Somalia.

Mar 2, 2025

                                                                                  Sawirka-Sarkaalka-Laga-Dilay-Fano


Sawirka-Sarkaalka-Laga-Dilay-Fano

Jabhadda xoraynta dadka Axmaarada ee dagaalka adag kula jirta ciidamada millatariga Itoobiya, ayaa si rasmi ah u shaacisay in dagaallo aad u culus oo ka dhacay ismaamulkaasi ay ku waayeen sarkaal muhiim ah oo ka mid ahaa ciidamada xabashida ee kasoo dagaallamay Soomaaliya.

Sarkaalkan oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee Fano ayaa darajadiisa ciidan lagu sheegay Korneel, waxaana lagu magacaabi jiray Tadesse Eshete, wuxuu sidoo kale ku magacownaa madaxa qorsheynta iyo Istiraatiijiyadda, sida lagu sheegay war kasoo baxay jabhaddaasi.

Jabhadda Fano waxay sheegtay in sarkaalkan sare iyo ilaaladiisa lagu dilay dagaallo ka dhacay nawaaxiga mandiqadda Gaynet ee dhacda Gonder, ka hor inta aan la dilin ayay sheegeen in uu Kornaylku qporsheeyay sidoo Kalena uu fuliyay weeraro is xigxigay oo ka dhan ah ciidanka millatariga, kana dhacay Koonfurta Gondar.

Dagaallada ka dhacay agaagrka Gaynet ayay wararku tilmaameen inay aad u cuslaayeen, kornaylka jabhaddan Fano ka tirsan ayayna ciidanka millatarigu dileen subaxnimadii Sabtida ee shalay.

Sarkaalkan Fano laga khaarajiyay ayaa ka mid ahaa saraakiisha ashahaada la dirirka ah ee ka qayb qaatay xasuuqyadii ka dhanka ahaa reer Muqdisho, sida ay Fano shaacisay, waxay sidoo kale faafisay sawirka Kornaylkan oo ku sugan furimaha dagaalka ee Soomaaliya.

Waxay sidoo kale sheegeen in uu ka qayb qaatay howlgallo ka dhacay Sudan gaar ahaan Daarfuur, ciidanka millatariga Itoobiyana uu kolkaas ka tirsanaa, waxa uu markii dambe u wareegay ciidanka gaarka ah ee Amhara, illaa ugu dambayn uu ku biiray jabhadda Fano ee dagaalka kula jirta dowladda uu hoggaanka u hayo Abiy Axmed.