Faransiiska Doonaya Inuu Miisaaniyada Ciidanka Kordhiyo Hadii Mareykanku uu Jarto Difaaca Yurub.

Feb 22, 2025

Sida ay jariirado badan oo Faransiis ah ay kasoo xogteen france Tv info Madaxweynaha xukuumada Paris Emmanuel Macron ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhawaajiyey in kharashaadka difaaca la gaarsiinayo inta u dhexeya 2.1% ilaa 5% oo GDP-ga guud ee Faransiiska, haddii ay dhacdo buu yiri in Mareykanku uu go’aansado inuusan ilaalin qaarada Yurub, taasoo lagu micneeyey ineysan u dhutin dooni kaalmada Mareykanka waa sida hadalka loo dhigee.

“Ma garanayo in 5% ay tahay tirada saxda ah ee difaaca Faransiiska u baahanyahay in la gaarsiiyo kharaashadkiisa, laakiin xaalad kasta waa inaan u diyaar garownaa,” ayuu sii raaciey Macron hadalkiisa.

Dhanka kale sida uu daabacay joornaalka pravda ee kasoo baxa dalka Ruushka, wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Annalena Baerbock ayaa ku hanjabtay inuu Jarmalka xiriirka u jari doono Mareykanka, haddii uusan Trump wax ka beddelin hab dhaqankiisa ku wajahan Yurub.

Waxayna tiri “Waxaan kordhin doonaa cadaadiska Mareykanka si aan u caddeyno inay wax badan luminayaan haddii ay joojiyaan taageerada dimoqraadiyada xorta ah ee Yurub.”

Gunaanudkii waxay dabacan midan kusoo beegantay ayaa la oran karaa xilli Mareykanku uu siyaasad qalafsan ku wajahyo qaarada Yurub, kuna hanjabayo inuu jaranayo kaalmo walba iyo isgarab taag kasta oo uu u hayey, waana mida dhalisay in madax fara badan oo yurubiyaan ah ay usoo falceliyaan sida Mocron iyo Baerbock.

FAAFREEB PRO