Warbixin ay daabeceen qaar kamid ah majaladaha reer galbeedka ayaa sii qota dheer u lafagureysa cabsida laga qabo in dhulka bariga dhexe uu ka qarxo dagaal wada jir ah kadib dilkii uu maamulka gumeystaha u geystay madaxii ururuka isugu yeera Xisbullah Xasan Nasrullah.
Warbixintu waxay daaha ka rogeysaa in xukuumada Binyamin Natanyaahu ay waqti waliba la kulmi karto weeraro si wada jir ah ay ugu soo qaadaan dhamaan xulafada Iran iyo kuwa Lubnaan ee qaarada Aasiya, iyadoona ay xusid mudantahay in talaabooyinkaas ay hada yihiin kuwa qaarkood muuqda.
Waxaa tusaale loo soo qaadanayaa Shiinaha iyo Pakistaan oo saacadihii lasoo dhaafay soo saaray warar isku mid ah oo ay kaga soo horjeedaan waxa maalmihii lasoo dhaafay ay marti galineyso Lubnaan, iyagoona qoraaladooda ku lifaaqay hadalo laga dha dhansan karey hanjaabaado iyo iney isgarab taagi doonaa Lubnaan hadii ay Yuhuuda sii wadaan duulaankooda.
“Waan diidnay ku xadgudubka madax-bannaanida iyo ammaanka Lubnaan, waxaana cambaareyneynaa dhammaan falalka lagu waxyeeleynayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan misana ku sugan gudaha wadankaas.” Waa nuqul kamid ah hadalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumada Beijing.
Dhanka Pakistan iyaduna sida aan horay usoo sheegnay waxay soo saartay warqad ay ku muujineyso aragtideeda ku aadan waxa ka socda Lubnaan ee weeraro ah, waxayna sheegtay in si buuxda ay uga soo horjeedo waxa ka socda tan iyo todobaadyadii lasoo dhaafay gudaha wadanka Lubnaan.
“Ciidamada Israa’iil waxay ku dhaqaaqeen xad-gudub aan la aqbali karin oo ka dhan ah madaxbannaanida Lubnaan, iyagoo si naxariis darro ah u bartilmaameedsanaya xarumaha dadka rayidka ah, taas oo wiiqaysa xasilloonida iyo amniga” waxaa sidaas iyadana tiri wasaarada arimaha dibada ee xukuumada Islaama Bad.
Waxaa dhanka kale oo xusid mudan misana cabsi xoogan laga muujinayaa dagaalka lugta ah ee uu maamulka yuhuuda sheegay inuu ku galayo gudaha dalka Lubnaan, waxaana soo baxaya digniino calami ah oo ku socda xukuumada Binyamin Natanyahu, maadaama markii ay duulaanka lugta ah tagto uusan gumeystuhu ahayn mid ku fir fircoon misana kasoo hoyn kara guula la taaban karo.
Marka lawada shamliyo iyadoo wax lagu dhisanaayo warbixinada iyo taqaariirta la daabacay kadib dilkii Xasan Narullah, cabsida ugu xoogan ee hada bariga dhexe looga baqanayo waa in uu ka qarxaa dagaal loo dhanyahay, waliba ay si gaar ah uga qeyb qaadanayaa wadamada aysan siyaasad ahaan wada jaan qaadin Mareykanka iyo xulafadiisa.
FAAFREEB PRO