Ganacsade Soomaali ah oo Lagu Dilay Koonfur Afrika.

Aug 1, 2024

Abuukar Maxammed Jiinow oo ka mid ahaa bulshada Soomaaliyeed ee ganacsiyada u tagay dalka Koonfur Africa ayay saacadihii u dambeeyay kooxo burcad ah ku dileen deegaan hoostaga mid ka mid caasimadaha saddexda ah ee waddankaasi.

Kooxo abaabulan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa rassaas ku furay ninkan oo ka mid ahaa ganacsatada ka shaqaysata duleedka magaalada Cape Town ee ka mid ah saddexda caasimadood ee ay leedahay South Africa.

Ilo wareedyo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalkan, ayaa soo sheegay in kooxda burcadda ah ay si bareer ah u dileen Abuukar Jiinow iyo mid mid ka mid ah dadka u dhashay dalkaasi, xilli uu ku sugnaa meel u dhow dugaan ganacsi.

Xabadda ay tuureen burcadda ayaa qofkan Soomaaliyeed ku haleeshay afaafka hore ee dukaanka oo kuyaal deegaanka Valhalla Park oo ka mid ah deegaannada hoostagta caasimadda Cape Town , waxayna markaasi kadib usii gudubtay qof kale oo Koonfur Afrikaan ah, taasi oo keentay dhimashada labada qof sida ay soo wariyeen dad goobjoogeyaal ah.

Dilalka ka dhanka ah ganacsatadan kaddib, ayaa la wariyay in burcadda hubeysan ah ay goobta si nabad ah kaga baxsadeen, mana jirin cid loo qabtay iyo dabagal guuleystay oo lagu sameeyay falkaasi, wallow goor dambe ay goobta tageen ciidamo booliska ka tirsan, kuwaas oo sida looga bartay ba aan samayn falal ka dhan ah burcadda.

26-kii July shan maalmood ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale kooxo hubeysan oo burcad ah ay toogasho ku dileen ganasade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cumar Cabdullaahi Axmed, kaddib markii ay ku weerareen deegaanka philipi oo hoostaga magaalada Cape Town ee ka tirsan caasimadaha Koonfur Africa

FAAFREEB PRO