Waddanka Koonfur Africa, waxaa saacadihii lasoo dhaafay lasoo wariyay in markale dil iyo dhaawacyo loo gaystay ganacsato iyo wade baabuur oo Soomaali ah.
Dhacdada ugu horrayso waxay kooxaha burcadda Koonfur Afrikaanka ah ka gaysteen dukaansi uu ganacsade Soomaaliyeed kulahaa tuulada isku raranka ah ee lagu magacaabo Zinyoka, waxayna halkaasi si bareer ah ugu dileen ganacsade Hussein Shiikheey Cabdiwali.
Tuulada uu dilkan ka dhacay ayaa dhowr Kiiloo mitir ku jirta xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Korsten ee ka tirsan magaalada Port Elizabeth, sida ay soo sheegeen dad goobjoogeyaal ah, waxaana mar qura ganacsadaha la huwiyay rassaas ay fureen kooxaha burcadda ah.
Weerarka labaad ayaa isagana laga soo tabiyay in kooxaha burcadda ah ay ku beegsadeen dukaan ganacsi oo kuyaal tuulo ku dhow magaalada Port Elizabeth, waxayna halkaasi burcaddu dhaawac ugu gaysteen qof kale oo Soomaali ah oo magaciisa lagu soo koobay Cumar.
Dhacdada 3-aad ayaa dhacday maalin ka hor, waxayna kooxo burcad ah oo u dhashay waddankaas weerar hubeysan ku beegsadeen mid ka mid ah dadka Soomaalida ee darawalnimada uga shaqaysata Koonfur Africa, halkaas oo ay dhaawac ugu gaysteen Yuusuf Cabdirahman oo ah wade Gaari nooca Uber-ka loo yaqaan.
Goobjoogeyaal ayaa soo wariyay in markii hore la waayay gaariga iyo sidoo kale dareewalka, balse ugu dambayn duleedka magaalada Port Elizabeth laga helay gaarigiisa, kaddibna isaga oo dhaawac ah laga helay xaafad kutaal magaalada Port Elizabeth, waxaana la dhigay mid ka mid ah cisbitaallada kuyaal magaaladaasi.
FAAFREEB PRO