Wararka ka imaanaya waddanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo burcad ah ay dil iyo dhaawac u gaysteen laba xubnood oo Soomaali ah, kuwaas oo ku sugnaa goob ganacsi.
Weerarka ayaa si gaar ah u beegsaday dukaan ay wada joogeen labada qof oo kuyaal magaalada Pietermaritzburg (Biitamaritzbaag), ee ka tirsan gobolka kwazulu-natal, dhalinyarada la weeraray ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Saadaq Biritish iyo Maxamed Daahir.
Kooxda hubeysan ee burcadda ah ayaa isla goobta ku khaarajisay Saadaq Biritish, halka ay dhaawac u gaysteen ninka kale ee magaciisa lagu sheegay Maxamed Daahir.
Dhacdadan waxaa xaqiijiyay Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Africa, sawirrada labada qof ee la beegsaday oo midna la dilay midka kalena la dhaawacay ayaa lagu faafiyay baraha bulshada.
10-ka bishii lasoo dhaafay ee December 2024 ayay ahayd markii kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ay xaafad ka tirsan magaalada Cape Town (Keebtown) dil ugu gaysteen ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Saciid Cisman Cosoble.
Waxaa dhacdadaasi kasii horreeyay oo shantii December xaafad ka tirsan isla magaaladaasi lagu dilay Maxammed Cali Culusow, kaasi oo burcaddu ku dishay afaafka hore ee dukaan uu ka shaqeynayay.