Golaha Amaanka ee QM oo Kasoo Jawaabay Codsigii Midowga Afrika.

Aug 17, 2024

Waxa loogu yeero Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa bayaan kasoo saaray codsi sagaaklii bishaan uu udiray midowga Afrika, kaas oo quseeyay xaalada Soomaaliya iyo marxalada ku xigta howlgalka saliibiga ah ee ATMIS, kadib marka uu dhamaado sanadkaan.

Halkii laga sugayay in ay ansixiyaan codsiga Midowga Afrika, ayeey dalbadeen in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo howlgalka cusub ee la doonayo in lagu badalo kan hada gabagabada ah marka la gaaro sanada 2025.

Qodobada si gaar ah AU looga dalbaday in ay cadayso ayaa waxaa kamid ah, tirada ciidamada, dalalka ay kasocdaan, waqtiga uu howlgalku qaadanayo iyo cida bixinaysa maalgalintiisa.

Dooda ugu weyn ee taagan ayaa ah cida bixinaysa qarashaadka ku baxaya howlgalkaan cusub, iyadoo maalgaliyayaasha dullaanka saliibiga ah ee Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo Midowga Yurub iska diideen in ay bixiyaan qarashaadka dullaan cusub .

Ila bisha Novembar ee sanadkaan ayaa fursad loo siiyay Midowga Afrika in ay qorshe dhamaystiran uga keenaan arimahaani.

Qoraalkaan kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo jahwareer xoogan ka taagan yahay murtazaqada badali lahayd ATMIS,xulafadii ku midaysnayd dagaalka ashahaado ladirinimo ee kadhanka ah wilaayaatka islaamiga ah ayaana waxaa ka dhax billawday xuruguf siyaasadeed.

Dowlada Itoobiya ayaa si weyn umucaaradsan in Masar ay qeyb ka noqoto isbihaysiga, maadaama ay u aragto cadow uu kala dhaxeeyo siraac milatari iyo mid dhaqaale, kadib markii Midawga Afrika uu sheegay in ay Qaahira kaalin lixaadleh ka qaadan doonto howlgalka cusub.

Kusoo biir janaladeena Telegram-ka 👇

https://t.me/faafreeb_240

https://t.me/faaf_breaking1

https://t.me/Faafka5555