Gurigii ugu Qaalisanaa Los Angeles oo Gubtay Gabi Ahaantiis.

Jan 12, 2025

Gurigii qiimaha ugu sarreeyay ku fadhiyay ee xaafadda Pacific Palisades oo ka tirsan magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa gabi ahaanba bas belay saacadihii koobnaa ee lasoo dhaafay.

Sida saacadihii lasoo dhaafay ay nashirinayeen jaraaidyada ugu afka dheer galbeedka sida The Financial Exparess iyo Newyork Post, waxa uu dabku baabi’iyey gurigii ugu qaalisanaa gudaha magaalada Los Angeles ee gobolka Colefornia kaasoo ku fadhiyey aduun lacageed oo gaaraya ilaa 125 milyan oo Dollar.

Waxay midan dhabana heysi ku noqotay gaalo badan oo ku noolaa gudaha magaaladaas, waxaana daqiiqado gudohooda ku faqriyey shaqsiyaadkii dulmiga ku eeganayey muslimiinta reer Filistiin lacagohoodana ku bixnayey sidii xasuuqa loogu sii wadi lahaa abriyada ee Qaza.

Waxaa dhanka kale wali sii fidaya dabka xoogan ee ka socda gobolka Colefornia gaar ahaan magaalada Los Angeles iyo kuwa kale ee ku hareereysan, waxaana bas belay wax ka badan 10kun oo guri oo dhamaantood la daganaa xilliga ay musiibadu bilaabaneysa.

Guddoomiyaha California Gavin Newsom ayaa si rasmi ah u codsaday in baaritaan lagu sameeyay sababta aysan u shaqeyn tuubooyinka biyaha ee ku xiran Los Angeles, oo ah kuwa loogu talagalay inay si dhaqso ah uga falceliyaan haddii uu dab kaco iyo sababta ay u noqotay mid maran goobta kaydka biyaha ee Los Angeles, labadan xaalad oo uu ku sheegay inay u baahanyihiin baaritaan dhab ah, maaddama khasaaraha uu gobolka la kulmayo ay tahay mid aan horey usoo marin waa sida uu qiree.

Dabdamisyada kala duwan iyo diyaaradaha duqsha sare kasoo daadinaya kiimikada dabka damiska ayaa ilaa hada soo kordhin la’a natiijo la taaban karo, taa badalkeedna waxa ay dhibiluhu kusii fidayaan marba marka ka dambeysa dhul hor leh oo balaaran.

FAAFREEB PRO