Gurmadka Qaza oo la Ziyaadinayo iyo Heshiis Qarka Saaran.

Jan 15, 2025

Gurmadaka Qaza ayaa la qorsheynayo in la ziyaadiyo kadib dagaal gudaha marinka ka socday wax ku dhow 470 maalmood.

Sida uu nashriyey wargeyska Al-Sharqul Awsat hay’adaha gurmadka kala duwan ayaa qorsheynaya iney kordhin ku sameeyaan agabka kala duwan ee ay ku daabulayaan gudaha Qaza, iyadoona xaalada bini aadanimo ee jirta ay sii ziyaadeyso marba marka ka dambeysa.

Gurmadka la qorsheynayo in waqtiyada soo aadan la geeyo gudaha Qaza waxaa kamid ah raashin, dawo, dhar iyo booyado shidaal ah oo la doonayo in loo adeegsado matoorada korontada xilli marinku uu mugdi yahay in muddo ah, reer Qazana aysan habeeno badan arag iftiin aanan ka ahayn midka ay bixinayaan gantaalada yuhuuda.

Waxay sidoo kale xogo ka baxsan warbixintan uu baahiyey wargeyska Al-Sharul Awsat sheegayaan in ilaa 600 oo gaari oo gurmad ah ay si maalinle ah u tagi doonaan gudaha Qaza, kuwaas oo isgu jiri dooni dhamaan ashyaa’ada ay si aadka ah ugu baahanyihiin shacabka muslimka ah ee reer Qaza.

FAAFREEB PRO