Hal Sano Kadib Howgalkii Duufaanta Al-Aqsa iyo Gumaadka ka Socda Qaza.

Oct 7, 2024

Hal sano kadib dagaalkii Qaza ee bilowday 7-dii bishii Oktoobar ee sanadkii hore 2023, waxaa ka dhashay natiijooyin isugu jira kuwa murugu leh iyo kuwa farxadeed.

Kuwa murugada leh waxaa kamid ah xasuuqa bahalnimo ee ay sahaayinadu mudadaas kula keceen dadkii abriyada ahaa ee ku noolaa dhulkooda uu Allah u dooray, iyagoona laayey kumanaan ruux oo isugu jirta bulshada qeybeheeda kala duwan.

Tira koobyadii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in yuhuuda ay laayeen in ka badan 41,000 oo ruux oo muslimiin ah kuwaasoo xitaa ay ku jiraan caruur yar yar iyo dad waayeelo ah.

Marka laga hadlayo dhaawaca iyo xaaladaha nafsiga ah ee ay wajahayaan qaar kamid ah bulshada reer Qaza, waxay noqotay mid xarga goosada ah, in ka badan 96,000 ayaana lagu soo waramayaa iney la il daranyiiin dhaawacyo kala duwan.

Waxaa barakacay malaayiin ruux oo Filistiiniyiin ah kuwaas oo qaarkood uu cadawgu ku dilay wadooyinka, halka kuwa kalana ay wajahayaan macluul daran iyagoona weynaya mararka qaar xitaa wax ay cabaan.

Dhanka kale waxaa burburay kaabayaasha muhiimka ah sida isbitaalada iyo iskuulada, taasoo xaaladda bini’aadanimo ee Qaza uga sii dartaymudooyinkii dambe.

Dhanka cadawga yuhuuda wuxuu mudadaan Allah gaarsiiyey jab xoogan, kooxaha muqaawamada Filistiin ayaana askarta Binyaamin Natayaahu u geestay dharbaaxooyin adag, iyagoona ku feentay fagaaraha dagaalka ee Qaza.

Askar fara badan ayaa isaga cararay jiidaha hore ee dagaalka kadib markii ay awoodi waayeen ku hor sugnaashiyaha askarta muqaawamada, kuwa kala ayaa wajahaya xaalado nafsi ah, kuwa kala ayaana nafta is dhaafiyey kadib markii ay u dulqaadan waayeen xaalada jaxiimada ah ee ay lugaha lasoo galeen.

*Xogo intaan ka badan Insha-Allah galabta 4:30 ayaad dhageysan doontaan waxaana idiin diyaarinay barnaamij gaar ah haduu Alle idmo.

FAAFREEB PRO