Hay’adaha amniga reer galbeedka saliibiga ah ayaa isku diyaarinaya mowjado howlgallo qarsoodi ah oo unuga GRU Unit 29155 ee sirdoonka militariga Ruushka la sheegay inay ka fulinayaan gudaha Yurub iyo Mareykanka.
Sida lagu sheegay qoraal digniin ah oo FBI-da Mareykanka iyo Hay’adda sirdoonka gudaha Jarmalka ee BfV, ay u direen dalalka xubnaha ka ah NATO, iyagoo uga digaya howlgal ballaaran oo sirdoonka qarsoodiga ah ee Ruushka uu ka fulinayo gudaha Yurub iyo Mareykanka.
Howlgalka GRU oo ay u arkayaan sirdoonka isbayaysiga NATO, midkii ugu weynaa oo Ruushka iskudayayo ayaa isugu jira weerarro internet oo lagu beegsanayo kaabayaasha Yurub iyo Mareykanka oo saldhigyada NATO ay ku jiraan, howlgallo khal-khal gelin amni iyo dilal ka dhici kara Yurub iyo Mareykanka.
Howlgalka Ruushka ayaa loo arkaa mid uu uga aargudanayo taageerrada ay reer galbeedka siiyaan ciidamada Ukraine.
FAAFREEB PRO