Hoos u Dhac Balaaran oo ku Yimid Ciidaka Keydka Yuhuuda.

Nov 12, 2024

Warbixin uu nashiryey wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa tiirada saareysa nuqsaan xoogan oo ku timid ciidanka keyd ee maamulka yuhuuda.

Saxiifadu waxa ay sheegeysaa in hoos u dhac weyn uu ku yimid tirada askarta keydka ah, dhanka kalana ay istaagtay shaqsiyaadkii ciidanimada loo qori jiray si ay u biixuyaan sufuufta dagaalka, kuwa kalana ay u noqdaan keyd.

Wargeyskan Cibraaniga ah ayaa qoraalkiisa waxa uu ku yiri “Ciidanku wuxuu ka walaacsan hoosa ku yimid ee gaaraya 15 ilaa 20%, taasoo todobaadyadii lasoo dhaafay laga dareemayey fagaarooyinka dagaalka ee gudaha Qaza”.

Dhanka kale joornaalku waxa uu sheegayaa in marka laga soo tago walaaca ay askarta keyd kala kulmeen jiidaha hore ee dagaalka, waxaa u sii dheer ayaa la yiri in weli aysan helin miisaaniyadoodii dhaqaale ee loogu talagalay, taasoo gaareysa ilaa 2.4 Bilyan oo dollar, taasina ay sababtay in wax badan ay kala socon waayaan.

Xaalada guud ee askarta sahaayinada ayaa hada kusoo uruurtay, niyad jab, iney ka firxadaan fagaaraha dagalka iyo iney nafta is dhaafiyaan har cad kadib markii u adkeesan waayeen waxa socda, ayna garan waayeen qaab ay uga luga siibtaan halaagan ay lugaha lasoo galeen iyagoo qab isla qaad qaadaya.

FAAFREEB PRO