Hoos-u-dhac ballaaran ayaa ku yimid dhaqaallaha dawladda Xabashida Itoobiya oo hal-beeggeedu yahay dollarka Maraykanka, waxaaana bishii Juun 2024, GDP-ga ama wax-soo-saarka gudaha ee waddankaasi uu istaagay $ 207 bilyan, laakiin saddex bilood gudahood marka la beddelo lacagta maxalliga ee birta, waxay hoos u dhacday in ka badan kala bar.
Isbedelka ayaa saameyn weyn ku yeeshay heerarka deynta dalka. Iyadoo wadarta guud ee deynta dadweynaha ee Itoobiya iyo GDP-ga uu kacay 32.9% bishii Juun 2024 ilaa 50.3% Sebtembar 2024. Deynta dibadda ayaa sidoo kale kor u kacday muddadan, iyada oo ka korodhay $28.8 bilyan ilaa $31 bilyan.
Shantii sanadood ee ugu dambeeyey daynta lagu leeyahay dawladda Xabashida Itoobiya ayaa korodhay 25.3%, waxaanay wadarta guud ee dayntu gaartayy 68.8 Bilyan oo Dollar, sida ay shaacisay wasaaradda maaliyadda ee dawladda Itoobiya.
Walaac badan ayaa laga muujiyey hoobadkan dhaqaale ee ku yimid Xabashida Itoobiya, waxaana si weyn uga qaylo-dhaamiyey siyaasiyiin ay ka mid yihiin kuwa mucaaradsan xukuumadda Abiy Axmed oo hormuud uu ka yahay Jawaar Maxamed, kuwaas oo sheegay in dhaqaallaha Itoobiya uu aad u liito, sidoo kalena dhaqaallahii ay xukuumaddaasi helaysay Shantii sano ee u dambeeyey uu ku tiirsanaa ammaah iyo dayn ay ka qaadanaysay gudaha iyo dibadda dalka.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dhaqaalo-yannada Itoobiya ay iyaguna werwer ka muujiyeen hoobadka dhaqaale ee ku yimi Itoobiya iyagoo sheegay in la filayo in heerka dayntu uu ku dhawaad 33% ka bato wax-soo-saarka guud ee dalka ee loo yaqaan GDP.
Warbixin ay soo saartay wasaaradda maaliyadda Itoobiya ayaa tilmaantay in sababta ugu weyn ee keentay kororka dayntu ay tahay isbedelka qiimaha sarrifka lacagaha qalaad, taas oo si weyn u saamaysay shantii sanadood ee u dambaysay.
Wasaaradda Maaliyaddu waxay sheegtay in 59% ama $ 40 Bilyan oo ka mid ah daynta guud ee dawladdu ka qaadatay bangiyada iyo ganacsatada dalka, halka 41% oo u dhiganta $ 28.9 Bilyan, ay dawladdu ka heshay dalka dibaddiisa.
Warbixintan ay soo saartay wasaaradad maaliyaddu waxa kale oo ay sheegtay in dollarka Maraykanku uu daboolay 45.48% daynta dibadda ee Itoobiya, kuna soo xigto lacagta EURO-da oo iyaduna ah 6.58% iyo lacagta Shiinaha oo noqonaysa 1.52%.
Dhaqaalle burburkan ku yimi dawladda Xabashida Itoobiya ayaa sidoo kale salka ku haya dagaallada lagu hoobtay ee dhiigga badani ku daatay ee ka socda gudaha dalkaasi, gaar ahaan deggaannada Amxaarada iyo Oromada, kuwaas oo looga soo hor-jeedo maamulka Abiy Axmed.