Iiraan oo tallaabadii ugu horraysay u qaaday jawaasiistii ku lug lahayd dilka Ismaaciil Haniya.

Aug 4, 2024

Wargayska Yeni Shafaq ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa daabacay warbixin ku saabsan, iyada xabsiga dhigtay saraakiil sare oo ka tirsan ilaalada kacaanka Shiicada Iiraan.

Wargayska oo soo xiganaya wargayska kale ee New York Times ayaa sheegay in ilo wareedyo Iraaniyiin ah ay xaqiijiyeen, in madaxda Iran ay fuliyeen olole xarig ah oo ballaaran oo ka dhan ah saraakiishii ka dambeysay dilkii Ismail Haniyeh, kaas oo ka mid ahaa madaxda kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Warbixinta uu daabacay wargayska New York Times ayaa lagu sheegay in sirdoonka Iran uu gacanta ku dhigay isla markaana xabsiga u dhaadhiciyay in ka badan 20 qof oo ay ku jiraan sarkaakiil sar sare oo sirdoon, saraakiil ciidan, iyo shaqaale ka tirsan guriga martida ee lagu dilay Ismaaciil Haniya oo ah guri ay maamulaan saraakiisha ilaalada kacaanka kunyaal waqooyiga caasimadda Tehran.

Wargayska ayaa intaas ku daray in labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay dowladdu beddeshay hab-maamuuska amniga ee saraakiisha sare ee Ismaaciil Haniya dejiyay qolalka miineysan ee guriga martida, halkaas na lagu khaarajiyay.

Majalada oo soo xiganaysa saraakiil Iiraaniyiin ah oo diiday in magacyadooda la shaaciyo ayaa sheegay in qaybta sirdoonka ee ku takhasustay basaasnimada ee ka tirsan ilaalada kacaanka ay gacanta ku hayaan baaritaanka dhacdada, kuwaas oo la sheegay inay ku daba jiraan saraakiisha la tuhunsan yahay.

“Weerarka lagu dilay Ismaaciil Haniyah ka dib, ciidamada ammaanka ee Iiran waxay weerareen guriga martida ee saraakiisha Ilaalada Kacaanka ay gacanta ku haayaan, halkaas oo Haniyeh hoy u ahayd intii uu booqanayay Tehraan, waxayna saraakiisha guriga martida ka dhigeen xabsi guri, qaar ka mid ah ayaa la xiray, waxaana lagala wareegay dhammaan qalabyada elegtarooniga ah, oo xitaa ay ku jiraan taleefanno gaar ah,” waxaa sidaas wargayska ku yiri saraakiil Iiraaniyiin ah oo magacyadooda qariyay.

Qolqol ayay u galeen buu wargaysku yiri saraakiisha sirdoonka ilaalada kacaanka ee Iiraan ee ay dowladda shiicada ah u baaritaannada u xilsaartay, kuwaas oo gacanta ku dhigay muuqaallada ay duubtay cameradda qarsoon ee ku xirnayd guriga iyo sidoo kale liiska martidii la dejiyay bilooyinkii lasoo dhaafay, laga soo billaabo bishii May oo ah marka qalabka miinooyinka ah lagu xiray qolalka martida, kolkaas oo uu sirdoonka Muusaadka Yahuuddu qorsheeyay in uu dilo Ismaaciil Haniya, balse aysan dhicin.

Baaritaannada ayaa sidoo kale laga sameeyay meel ka baxsan guriga martida, sida laga soo xigtay saraakiisha Iiraaniyiinta ah ee u waramay wargayska New York ee kasoo baxa Maraykanka, waxayna saraakiishu dhaheen, “Koox gaar ah oo ka tirsan sirdoonka ayaa su’aalo weydiinayey saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada milateriga iyo kuwa sirdoonka oo u xilsaarnaa ilaalinta caasimadda, tiro ka mid ahna xabsiga ayay dhigeen.

Sirdoonka Iiraan ayaa ku hor kufay caalamka markii uu heli waayay macluumaadka weerar bilo ka hor la qorsheeyay waliba lagu diyaariyay qolal ammaankooda aad loo ilaaliyo oo la dajiyo martida.

FAAFREEB PRO