Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistaan ayaa sii deysay askari hore oo u dhashay dalka Canada kaas oo in muddo ah ku sugnaa gudaha dalkaas kana shaqeynayey falal kasoo horjeeda nidaamka Imaarada.
Sida uu daabacay joornaalka Al-Sharqul Awsat waxaa xabsi ku yaala gudaha Afghanistaan laga sii daayey askari hore oo Canadian ah oo lagu magacaabo David Lavery kaas oo tan iyo bishii November ee sanadkii tagay 2024 u xirnaa Imaarada.
Ninkan ayaa horay loogu eedeeyey inuu ka shaqeynayey daad gureynta dadka Afgaaniyiinta kadib markii Mujaahidiinta Taalibaan ay la wareegeen guud ahaan wadanka, isagoona tahriibinayey gudaha qaarada Yurub, balse ugu dambeyn waxaa sanadkii hore dabayaaqadiisa laga dhax qabtay Afghnistaan iyadoona xabsiga la dhigay.
Ugu dambeyn Imaarada ayaa kusii deysay qaab wada hadal ah oo ay dhax dhaxaadineysay dowladda Qadar, lamana shaacin hadii lagu badashay maxaabiis ka xirneyd Imaarada iyo hadii kala intuba.
FAAFREEB PRO