In ka Badan 100 Maxabuus oo ku Dhimatay Xabsi ku Yaala Gudaha Dalka Congo.

Sep 4, 2024

Waxaa lagu soo waramayaa in gudaha dalka Congo ay ku dhinteen in ka badan 100 maxbuus oo ku jirtay xabsiga ugu weyn ee ku yaala gudaha wadankan dhaca bartamaha qaarada Africa.

Sida lagu soo waramayo ugu yaraan ilaa 129 qof ayaa lagu dilay isku day baxsasho oo ka dhacay xabsig ku yaala gudaha caasimada Congo ee Kinshasa, waana sida ay saxiifadu kasoo xiganeyso qaar kamid ah masuuliyiinta ug usar sareysa wadankaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Congo ninka lagu magacaabo Jackman Shabani ayaa warbaahinta u sheegay in waxa dhacay ay yihiin wax lala amakaago, iyadoona ay waqti kooban nafta waayeen maxaabiis fara badan oo ku xukunaa xukuno kala duwan.

Waxaa uu ninkan intaas ku daray in maxaabiista dhimatay qaarkood ay sababsadeen rasaasta ciidanka ilaalada, maadaama ay xoog isugu dayeen iney xabsiga kaga baxaan, halka kuwa kalana ay weerar kusoo qaadeen qaar kamid ah ilaalada, halkaasna ay ka dhalatay iska cabin sababtay iney nafta waayaan waa sida uu dacan hadalka u dhigee.

Waxaa dhanka kale lagu soo waramayaa iney jiraan tiro kale oo dhaawacyo ah, waxaana ilaa hada lagu qiyaasay 59 ruux oo hada qaarkood lagula tacaalayo isbitaalada ay gaarka u leedahay xukuumada Kinshasa.

Midaan ayaana lagu tilmaamay isku dayigii xabsi ka baxsasho ee ugu dhimashada badnaa dalka Congo mudooyinkan dambe, dowlada wadankaas ayaana sheegtay in wali socdaan baaritaano arinkaas ku aadan ayna soo gudbin doonaan wixii soo kordha iyo haduu khasaaruu intan ka bato.

FAAFREEB PRO